{"id":10084,"date":"2026-03-11T13:44:37","date_gmt":"2026-03-11T13:44:37","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10084"},"modified":"2026-03-12T13:46:25","modified_gmt":"2026-03-12T13:46:25","slug":"iiraan-oo-ku-hanjabtay-inay-weerari-doonto-bangiyada-mareykanka-iyo-israaiil-e-bariga-dhexe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10084","title":{"rendered":"Iiraan oo ku hanjabtay inay weerari doonto bangiyada Mareykanka iyo Israa\u2019iil e Bariga Dhexe"},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco, 11 Maarso 2026 \u2013 {CBB}<\/strong><\/p>\n<p>Afhayeen u hadlay Khatam al-Anbiya, oo ah guddiga ugu sarreeya ee isku-dubaridka militariga Iiraan, ayaa ku hanjabay in Iiraan ay weerari doonto bangiyada Israa\u2019iil iyo kuwa Mareykanka ee gobolka, si ay uga aargudato waxa uu ku sheegay \u201cweerar lagu qaaday bangi ku yaal Iiraan\u201d.<\/p>\n<p>Ebrahim Zolfaghari, ayaa ka digay in \u201cdadka ku nool aaggaas aysan u dhawaan bangiyada masaafo dhan hal kiiloomitir,\u201d sida uu ku warramay telefishanka dawladda Iiraan, IRNA.<\/p>\n<p>\u201cCadowgu wuxuu na siiyay xorriyad aan ku weerarno hay\u2019adaha dhaqaalaha iyo bangiyada\u201d oo ay leeyihiin Mareykanka iyo Israa\u2019iil, ayuu yiri Zolfaghari.<\/p>\n<p>IRNA waxay sidoo kale sheegtay in la weeraray dhisme uu leeyahay Bank Sepah, oo ah bangi ay dowladdu leedahay oo ku yaala magaalada Texraan.<\/p>\n<p>Talaadadii, warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in ay jiraan caqabado ka jira howlaha bangiga Sepah iyo bangi ay dowladdu leedahay oo lagu magacaabo Melli.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco, 11 Maarso 2026 \u2013 {CBB} Afhayeen u hadlay Khatam al-Anbiya, oo ah guddiga ugu sarreeya ee isku-dubaridka militariga Iiraan, ayaa ku hanjabay in Iiraan ay weerari doonto bangiyada Israa\u2019iil iyo kuwa Mareykanka ee gobolka, si ay uga aargudato waxa uu ku sheegay \u201cweerar lagu qaaday bangi ku yaal Iiraan\u201d. Ebrahim Zolfaghari, ayaa ka digay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":10085,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-10084","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10084","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=10084"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10084\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10086,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10084\/revisions\/10086"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/10085"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=10084"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=10084"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=10084"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}