{"id":10114,"date":"2026-03-12T14:04:42","date_gmt":"2026-03-12T14:04:42","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10114"},"modified":"2026-03-12T14:04:42","modified_gmt":"2026-03-12T14:04:42","slug":"dfs-oo-ka-hadashay-kororka-qiimaha-shidaalka-iyadoo-farriin-u-dirtay-ganacsatada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10114","title":{"rendered":"DFS oo ka hadashay kororka qiimaha Shidaalka, iyadoo farriin u dirtay Ganacsatada"},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis 12 March 2026 {CBB}<\/strong>Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac \u00a0ka muujisay kororka ku yimid qiimaha shidaalka ee dalka, waxayna baaq u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, \u00a0Cabdiwahaab Cabdi Caanuug, oo ka hadlayay xaaladda taagan, ayaa xusay in Soomaaliya ay 90% shidaalkeeda ka keensato dibadda, gaar ahaan dalka Iiraan, balse ay muhiim tahay inaan dhibaatada caalamiga ah ee jirta loo adeegsan in culays dheeraad ah lagu saaro shacabka.<\/p>\n<p><strong>\u201cGanacsatada shidaalka waxaan ugu baaqeynaa inaysan macaash aan xalaal ahayn ka raadin bulshada Soomaaliyeed ee xilligan wajahaya xaaladaha isbiirsaday ee isugu jira bisha barakaysan ee Ramadaan iyo abaarta baahsan ee ka jirta dalka. Ma ahan wax la aqbali karo in maalinta dhibaatadu jirto laga faa\u2019iideysto muwaadiniinta tabaalaysan.\u201d<\/strong>\u00a0ayuu yiri Wasiir ku xigeen Caana-nuug.<\/p>\n<p>Wasiir ku xigeenka ayaa qiray inuu la socdo duruufaha ay wajahayaan ganacsatada, isagoo xusay in qiimaha shidaalka laga soo iibiyo suuqyada caalamiga ah uu sare u kacay, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in muwaadiniinta aan dusha laga saarin wax ka badan inta ay xaqqa u leeyihiin iyo faa\u2019iido xad-dhaaf ah.<\/p>\n<p>Hadalkan ka soo yeeray dowladda ayaa ku soo beegmaya xilli ay maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho iyo qaybo kale oo dalka ah ka dhacayeen bannaanbaxyo ay dhigayeen darawallada gaadiidka Bajaajta, kuwaas oo ka cabanaya in qiimaha shidaalka uu gaaray heerkii ugu sarreeyay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis 12 March 2026 {CBB}Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac \u00a0ka muujisay kororka ku yimid qiimaha shidaalka ee dalka, waxayna baaq u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, \u00a0Cabdiwahaab Cabdi Caanuug, oo ka hadlayay xaaladda taagan, ayaa xusay in Soomaaliya ay 90% shidaalkeeda ka keensato dibadda, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":10115,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-10114","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10114","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=10114"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10114\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10116,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10114\/revisions\/10116"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/10115"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=10114"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=10114"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=10114"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}