{"id":10196,"date":"2026-03-17T10:29:52","date_gmt":"2026-03-17T10:29:52","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10196"},"modified":"2026-03-17T10:29:52","modified_gmt":"2026-03-17T10:29:52","slug":"trump-oo-weerar-afka-ah-ku-qaaday-soomaalida","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10196","title":{"rendered":"Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida."},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado 17 March 2026 {CBB<\/strong>}Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo adag oo dhaliil leh u jeediyay Soomaaliya iyo Soomaalida ku nool gudaha Mareykanka, isagoo ku tilmaamay dalka Soomaaliya \u201cqaran ka tirsan dunida afaraad.\u201d<\/p>\n<div class=\"td-post-content tagdiv-type\">\n<p>Trump ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dal aan lahayn nidaam dowladeed, boolis iyo kala dambeyn, isla markaana uu ku eedeeyay dadka Soomaaliyeed inay yihiin kuwo khatar ah oo \u201cislaaya.\u201d<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><\/div>\n<p>Sidoo kale, wuxuu ku andacooday in Soomaalida Mareykanka ku nool ay \u201cxadeen lacag dhan 19 bilyan oo doolar,\u201d inkastoo uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo arrintaas taageeraya.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, Trump ayaa mar kale ku celceliyay eedeymo hore oo la xiriira Ilhan Omar, isagoo sheegay in ay si sharci darro ah ku soo gashay Mareykanka, isla markaana ay guursatay walaalkeed, iyadoo arrintan horey loo beeniyay oo aan wax caddeyn ah loo hayn.<\/p>\n<p>Hadalladan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Trump horey dhowr jeer u weeraray bulshada Soomaaliyeed, isagoo bishii December ee sanadkii tegay ku tilmaamay inaysan waxba ku soo kordhin Mareykanka, isla markaana uusan dooneyn inay sii joogaan dalka.<\/p>\n<\/div>\n<footer>\n<div class=\"td-post-source-tags\"><\/div>\n<div class=\"td-post-sharing-bottom\">\n<div class=\"td-post-sharing-classic\"><\/div>\n<\/div>\n<\/footer>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado 17 March 2026 {CBB}Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo adag oo dhaliil leh u jeediyay Soomaaliya iyo Soomaalida ku nool gudaha Mareykanka, isagoo ku tilmaamay dalka Soomaaliya \u201cqaran ka tirsan dunida afaraad.\u201d Trump ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dal aan lahayn nidaam dowladeed, boolis iyo kala dambeyn, isla markaana uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":10197,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-10196","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10196","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=10196"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10196\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10198,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10196\/revisions\/10198"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/10197"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=10196"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=10196"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=10196"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}