{"id":10238,"date":"2026-03-18T19:35:22","date_gmt":"2026-03-18T19:35:22","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10238"},"modified":"2026-03-18T19:35:22","modified_gmt":"2026-03-18T19:35:22","slug":"koofur-galbeed-oo-difaacday-goaanka-xiriirka-ay-u-jartay-dowladda-federaalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10238","title":{"rendered":"Koofur Galbeed oo difaacday go\u2019aanka xiriirka ay u jartay Dowladda Federaalka"},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco18 March 2026 {CBB}<\/strong><strong>\u00a0<\/strong>Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in go\u2019aankii ay maamulkaasi xiriirka ugu jareen Dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid sharciyeysan oo waafaqsan dastuurka dalka iyo kan dowlad goboleedka.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in go\u2019aankaasi uu salka ku hayo ilaalinta madax-bannaanida dastuuriga ah ee Koonfur Galbeed, iyo xaqa ay u leedahay inay si xor ah u maamusho arrimaheeda gudaha<\/p>\n<p>Wasaaradda ayaa sidoo kale adkaysay in tallaabadan aysan ka hor imaanayn midnimada Soomaaliya, balse ay tahay mid lagu xoojinayo ku dhaqanka sharciga, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dib u soo celinta wadashaqeyn ku dhisan ixtiraam iyo sharci<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, maamulka Koonfur Galbeed ayaa muujiyay inay weli ka go\u2019an tahay ilaalinta nidaamka dowladnimo iyo wada shaqeyn ku dhisan dastuurka iyo qawaaniinta dalka<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco18 March 2026 {CBB}\u00a0Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in go\u2019aankii ay maamulkaasi xiriirka ugu jareen Dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid sharciyeysan oo waafaqsan dastuurka dalka iyo kan dowlad goboleedka. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in go\u2019aankaasi uu salka ku hayo ilaalinta madax-bannaanida dastuuriga ah ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":10239,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-10238","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10238","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=10238"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10238\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10240,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10238\/revisions\/10240"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/10239"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=10238"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=10238"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=10238"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}