{"id":10268,"date":"2026-03-19T10:58:01","date_gmt":"2026-03-19T10:58:01","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10268"},"modified":"2026-03-19T10:58:01","modified_gmt":"2026-03-19T10:58:01","slug":"dowladda-soomaaliya-oo-cambaareysay-weerada-iiraan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10268","title":{"rendered":"Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerada Iiraan ."},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis 19 March 2026 {CBB}<\/strong>Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarrada ay Iiraan la beegsatay xarruumaha soo saarista tamarta ee dalalka Sacuudiga, Qadar iyo Imaaradka Carabta.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay weerarada Iiraan kuwo ka hor imaanaya shuruucda caalamiga iyo madaxbannaanida dalkaasi.<\/p>\n<p>\u201cSoomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa garab istaageeda buuxa ee dawladaha iyo shucuubta Sacuudi Carabiya, Qadar, iyo Imaaraadka, waxayna taageeraysaa tallaabooyinka lagu ilaalinayo madax-bannaanidooda\u201d ayaa lagu yiri Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in wada hadal lagu dhammeeyo khilaafka ka taagan dalalka Bariga Dhexe gaar ahaan dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo kaashanaya Israa\u2019iil.<\/p>\n<p>\u201cJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay weli ka go\u2019an tahay inay la shaqayso saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo dhiirrigeliyo nabadda, loona ilaaliyo kaabayaasha tamarta ee muhiimka ah\u201d ayaa lagu yiri Bayaanka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Hoos ka akhriso Bayaanka oo ku qoran Luuqadda Ingiriiska<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/Bayaanka.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-443747\" src=\"https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/Bayaanka-242x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 242px) 100vw, 242px\" srcset=\"https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/Bayaanka-242x300.jpg 242w, https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/Bayaanka-827x1024.jpg 827w, https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/Bayaanka-768x952.jpg 768w, https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/Bayaanka-1240x1536.jpg 1240w, https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/Bayaanka-339x420.jpg 339w, https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/Bayaanka-150x186.jpg 150w, https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/Bayaanka-300x372.jpg 300w, https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/Bayaanka-324x400.jpg 324w, https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/Bayaanka-696x862.jpg 696w, https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/Bayaanka-1068x1323.jpg 1068w, https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/Bayaanka.jpg 1653w\" alt=\"\" width=\"242\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis 19 March 2026 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarrada ay Iiraan la beegsatay xarruumaha soo saarista tamarta ee dalalka Sacuudiga, Qadar iyo Imaaradka Carabta. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay weerarada Iiraan kuwo ka hor imaanaya shuruucda caalamiga iyo madaxbannaanida dalkaasi. \u201cSoomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":10269,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-10268","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10268","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=10268"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10268\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10270,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10268\/revisions\/10270"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/10269"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=10268"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=10268"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=10268"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}