{"id":10426,"date":"2026-03-24T14:03:15","date_gmt":"2026-03-24T14:03:15","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10426"},"modified":"2026-03-24T14:03:15","modified_gmt":"2026-03-24T14:03:15","slug":"madaxweyne-ismaaciil-cumar-geelle-oo-daah-furay-mashruuca-salaam-city","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10426","title":{"rendered":"Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Daah-furay Mashruuca \u201cSalaam City\u201d."},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado\u00a0 24 March 2026 {CBB}<\/strong>Magaalada Jabuuti waxaa laga dhagax-dhigay Magaalo cusub oo leh in ka badan 7,000 oo guri oo si casri ah loo dhisay, waxaana dhagax-dhigay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen mas\u2019uuliyiinta Salaam Real Estate, Ganacsato &amp; Qurbajoog doonaysa in ay iibsato guryahaan.<\/p>\n<p>Xaafadda Salaam City waxaa mashruucaan maalgeliyay Salaam Real Estate oo kamid tahay Salaam Group of Companies, Baaxadda dhulkaan waa 2.4 Milyan oo Mitir laba jibbaaran oo isugu jira 7 Dugsi, Isbitaal &amp; Xarumo Caafimaad, Masaajid Dhexe, Goobo Ganacsi &amp; Xaafado, Dukaamo &amp; Adeegyo Xaafadeed, Beero iyo goobo Madadaalo.<\/p>\n<p>Mashruucaan oo laga fuliyay goob istaraatiiji ah oo ah Deegaanka Nagaad, waxaa mashruuca lagu fuliyay lacag dhan $480 Milyan oo u dhiganta (85 Bilyan oo Faran Jabuuti), waa dhul siman oo ku yaalla meel muhiim ah sida ay ku warrameen mas\u2019uuliyiin katirsan Salaam Real Estate.<\/p>\n<p>\u201cJabuuti si muuqata ayay isu baddeleysaa, Dekedaha ayaa mashquul badan, Waddooyinka ayaa hagaagaya, Salaam City waxaa loo naqshadeeyay in ay ka jawaabto isbaddelkaas iyada oo abuuraysa Bulsho loo dhan yahay oo helaya adeegyo casri ah &amp; deegaan ammaan ah,\u201d Ayuu yiri Maareeyaha guud ee Salaam Real Estate, Mustafe Liibaan.<\/p>\n<p>Image<\/p>\n<p>Mashruuca waxaa loo naqshadeeyay iyada oo la adeegsanayo mabaadi\u2019da qorshaysanta magaalooyinka ee Waara, waxaa la diiwaangeliyay mashaariic kala duwan oo doonaya in ay ka faa\u2019iidaystaan guryahaan sida ay sheegeen mas\u2019uuliyiin katirsan Maamulka Salaam Real Estate.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay Mashruucaan waxa uu ku tilmaamay mid qayb wayn ka qaadanaya horumarka Dalkaas, waxa uu dhiirrageliyay mas\u2019uuliyiinta Salaam Real Estate ee ku dhiirraday mashruucaan.<\/p>\n<p>Image<\/p>\n<p>\u201cHorumarka Jabuuti waa in lagu cabbiraa, ma aha oo kaliya baaxadda himilooyinka balse awoodda ay u leedahay in ay hagaajiso nolosha maalinlaha ah ee muwaadiniinteeda, ballaarinta helitaanka guryo tayo leh, abuurista shaqooyin &amp; dhisidda Bulshooyin casri ah,\u201d Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado\u00a0 24 March 2026 {CBB}Magaalada Jabuuti waxaa laga dhagax-dhigay Magaalo cusub oo leh in ka badan 7,000 oo guri oo si casri ah loo dhisay, waxaana dhagax-dhigay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen mas\u2019uuliyiinta Salaam Real Estate, Ganacsato &amp; Qurbajoog doonaysa in ay iibsato guryahaan. Xaafadda Salaam City waxaa mashruucaan maalgeliyay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":10427,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-10426","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10426","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=10426"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10426\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10428,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10426\/revisions\/10428"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/10427"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=10426"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=10426"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=10426"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}