{"id":10487,"date":"2026-03-25T14:39:23","date_gmt":"2026-03-25T14:39:23","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10487"},"modified":"2026-03-25T14:39:23","modified_gmt":"2026-03-25T14:39:23","slug":"golaha-wasiirrada-oo-xilka-ka-qaaday-taliyahii-ciidanka-asluubta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10487","title":{"rendered":"Golaha Wasiirrada oo xilka ka qaaday Taliyahii Ciidanka Asluubta"},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco 25 March 2026 {CBB}<\/strong>Golaha Wasiirada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday Sareeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan, iyagoo xilkaasi u magacaabay Sarreeye Gaas Maxamed Shiikh Xasan Xaamud.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in Wasiirka Caddaaladda Xukumadda Federaalka soo jeediyay xilka qaadista Taliyaha Ciidanka Asluubta.<\/p>\n<p><strong>\u201cGolaha Wasiiradda waxaa ay ansixiyeen soo jeedinta Wasiirka Caddaaladda XFS ee magacaabista Sarreeye Gaas Maxamed Shiikh Xasan Xaamud oo noqon doona Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed\u201d\u00a0<\/strong>ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Golaha Wasiirrada.<\/p>\n<p>Go\u2019aanka Golaha Wasiirrada ayaa ku soo aadaya xilli ay meeshii ugu sarreysay gaartay Xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koofur Galbeed.<\/p>\n<p>Taliyaha xilka laga qaaday ee Sarreeye Guuto Mahad ayaa la rumeysan yahay inuu xiriir dhow la leeyahay Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.<\/p>\n<p>Shalay ayay ahayd markii degmada Waajiid ee gobolka Bakool loo magacaabay maamul cusub oo hoostaga dowladda dhexe, halka xilalkii laga xayuubiyey taliyeyaal badan oo la rumeysan yahay inay daacad u ahaayeen Madaxweynaha Koofur Galbeed, Lafta-gareen.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco 25 March 2026 {CBB}Golaha Wasiirada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday Sareeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan, iyagoo xilkaasi u magacaabay Sarreeye Gaas Maxamed Shiikh Xasan Xaamud. War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in Wasiirka Caddaaladda Xukumadda Federaalka soo jeediyay xilka qaadista Taliyaha Ciidanka Asluubta. \u201cGolaha Wasiiradda waxaa ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":10488,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-10487","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10487","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=10487"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10487\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10489,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10487\/revisions\/10489"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/10488"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=10487"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=10487"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=10487"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}