{"id":10502,"date":"2026-03-26T15:07:08","date_gmt":"2026-03-26T15:07:08","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10502"},"modified":"2026-03-26T15:07:08","modified_gmt":"2026-03-26T15:07:08","slug":"spain-oo-mar-kale-garab-istaag-u-muujisay-shacabka-iyo-dowladda-iiraan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10502","title":{"rendered":"Spain oo mar kale garab istaag u muujisay Shacabka iyo Dowladda Iiraan"},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis 26 March 2026 {CBB}<\/strong>Ra\u2019iisul Wasaaraha dalka Spain, Pedro S\u00e1nchez, ayaa si adag uga hadlay xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe, isaga oo si gaar ah diiradda u saaray weerarada ay Mareykanka iyo Israa\u2019iil ku hayaan gobolka, gaar ahaan shacabka iyo dowladda Iiraan.<\/p>\n<p>Pedro S\u00e1nchez, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Reer Galbeedka ee sida adag u difaaca xuquuqda dadka reer Falastiin, ayaa digniin culus u diray dhiggiisa dalka Israa\u2019iil, Benjamin Netanyahu.<\/p>\n<p>S\u00e1nchez wuxuu sheegay in Netanyahu uu qorsheynayo in dalka Lubnaan uu u geysto burbur iyo masiibo bini-aadanimo oo la mid ah tii uu ka geystay marinka Qaza.<\/p>\n<p>Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Wasiirka Gaashaandhigga Israa\u2019iil uu ku dhowaaqay in ciidamadoodu ay qorsheynayaan hawlgal dhulka ah oo ay ku qabsanayaan koonfurta Lubnaan, si ay u wiiqaan awoodda kooxda Xisbullah.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare S\u00e1nchez ayaa sidoo kale soo hadal qaaday saameynta dhaqaale ee dagaalku ku yeeshay dalkiisa, isagoo xusay in shirkadaha dalka Spain ay lumiyeen lacag dhan 116 bilyan oo Yuuro muddo ka yar hal bil.<\/p>\n<p><strong>\u201cBam kasta oo ku dhaca Bariga Dhexe wuxuu saameyn toos ah ku leeyahay qoysas badan; caddaalad ma ahan in qof dantiisa gaarka ah darteed gobolka dab u qabadsiiyo,\u201d<\/strong>\u00a0ayuu yiri S\u00e1nchez.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii, Dowladda Spain ayaa lagu soo warramayaa inay isku diyaarinayso inay Baarlamaanka horgeyso qorshe ballaaran oo lagu samatabbixinayo laguna kabayo dhaqaalaha dalkaas ee ay saameeyeen xiisadaha caalamiga ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis 26 March 2026 {CBB}Ra\u2019iisul Wasaaraha dalka Spain, Pedro S\u00e1nchez, ayaa si adag uga hadlay xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe, isaga oo si gaar ah diiradda u saaray weerarada ay Mareykanka iyo Israa\u2019iil ku hayaan gobolka, gaar ahaan shacabka iyo dowladda Iiraan. Pedro S\u00e1nchez, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Reer Galbeedka ee sida adag u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":10503,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-10502","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10502","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=10502"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10502\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10504,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10502\/revisions\/10504"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/10503"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=10502"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=10502"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=10502"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}