{"id":10571,"date":"2026-03-28T12:46:51","date_gmt":"2026-03-28T12:46:51","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10571"},"modified":"2026-03-28T12:46:51","modified_gmt":"2026-03-28T12:46:51","slug":"mw-xasan-sheekh-oo-xarrig-jaray-waddada-isku-xirta-dabka-bakaaraha-ee-magaalada-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10571","title":{"rendered":"MW Xasan Sheekh oo xarrig jaray waddada isku xirta Dabka &#038; Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabtii 28 March 2026 {CBB}<\/strong><\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarrig jaray Waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha oo dib u dhis xooggan lagu sameeyay maadaama dhibaato xooggan lagu qabay burburkeeda.<\/p>\n<p>Waddadaan ayaa muhiim u ah isu gudubka Degmooyinka Howlwadaag, Hodan &amp; Waaberi, waqtiyada roobka uu da\u2019o waxaa ku yaallay goobo biyo fadhiistaan oo muddo dheer isu socodkeda joogsan jiray balse laga hirgeliyay buundo biyuhu hoos maraan.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa howshaan ku sifeeyay mid kamid ah dedaallada dib u dhiska ah ee Dalka ka socda, waxa uu carrabka ku adkeeyay in aan la aqbali Karin waddooyin iyo xaafado is dulsaaro oo xiliyada dabku kaco la waayo marin loo maro.<\/p>\n<p>Waddadaan waxaa horay u dhagax-dhigay Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, mar ayay u istaagtay dhaqaale la\u2019aan soo wajahday sida uu xiligaas sheegay duqa Muqdisho iyada oo ugu dambayn dib u dhiska la billaabay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabtii 28 March 2026 {CBB} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarrig jaray Waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha oo dib u dhis xooggan lagu sameeyay maadaama dhibaato xooggan lagu qabay burburkeeda. Waddadaan ayaa muhiim u ah isu gudubka Degmooyinka Howlwadaag, Hodan &amp; Waaberi, waqtiyada roobka uu da\u2019o waxaa ku yaallay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":10572,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-10571","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10571","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=10571"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10571\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10573,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10571\/revisions\/10573"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/10572"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=10571"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=10571"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=10571"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}