{"id":10608,"date":"2026-03-29T15:19:41","date_gmt":"2026-03-29T15:19:41","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10608"},"modified":"2026-03-29T15:19:41","modified_gmt":"2026-03-29T15:19:41","slug":"soomaaliya-oo-shaqaalaha-dowladda-u-tababareysa-sidii-ay-uga-hortagi-lahaayeen-weerarada-intenate-ka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10608","title":{"rendered":"Soomaaliya oo shaqaalaha Dowladda u tababareysa sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada Intenate-ka"},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad 29 March 2026 {CBB}<\/strong>Maareeyaha Guud ee Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay barnaamij tababar loogu talagalay in lagu diyaariyo khubaro Soomaaliyeed oo haysata shahaadooyin caalami ah oo dhanka Amniga Saaybarka (Cybersecurity).<\/p>\n<p>Barnaamijkan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo aqoonta shaqaalaha ICT-da ee hay\u2019adaha dowladda, si ay u noqdaan kuwo ka hortagi kara weerarada Internateka.<\/p>\n<p>Maareeyaha Guud, Mustafa Yaasiin, oo ka hadlay munaasabadda daahfurka, ayaa hoosta ka xariiqay in amniga dhijitaalka ah uu laf-dhabar u yahay madax-bannaanida xogta qaranka.<\/p>\n<p><strong>\u201cTababarkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka ee lagu xoojinayo ilaalinta kaabayaasha dhijitaalka ah ee dalka, sugidda amniga xogta, iyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, weerarrada iyo burcada internet-ka. Sidoo kale, barnaamijku wuxuu gacan ka geysan doonaa dhisidda awoodda shaqaalaha dowladda si ay u ilaaliyaan nidaamyada iyo adeegyada dhijitaalka ah ee qaranka.\u201d<\/strong>\u00a0ayuu yiri Maareeyaha Guud ee Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh.<\/p>\n<p>Tababarkan oo ay fududeynayso Machadka Sare ee Isgaarsiinta ee Afrika, laguna qabanayo magaalooyinka Muqdisho, Nayroobi iyo weliba hannaanka fogaan-aragga (Online), waxa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 28-ka Maarso ilaa 8-da May 2026. Waxaana ka-qaybgalayaasha lagu bari doonaa maadooyin iyo shahaadooyin caalami ah oo ay ka mid yihiin:<\/p>\n<ol>\n<li>CompTIA Security+<\/li>\n<li>Certified Incident Handler \u2013 EC Council<\/li>\n<li>Cloud Security Essentials \u2013 GIAC<\/li>\n<li>ISMS (ISO\/IEC 27001:2022) Lead Auditor<\/li>\n<li>Certified Information Security Manager (CISM) ISACA<\/li>\n<li>Certified Information Systems Security Professional (CISSP) \u2013 ISC2<\/li>\n<\/ol>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-108618\" src=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/05c2711d-90f2-4a65-b309-8310b1ff7983-300x245.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/05c2711d-90f2-4a65-b309-8310b1ff7983-300x245.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/05c2711d-90f2-4a65-b309-8310b1ff7983-1024x837.jpg 1024w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/05c2711d-90f2-4a65-b309-8310b1ff7983-768x628.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/05c2711d-90f2-4a65-b309-8310b1ff7983-1536x1256.jpg 1536w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/03\/05c2711d-90f2-4a65-b309-8310b1ff7983-2048x1674.jpg 2048w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"245\" \/><\/p>\n<p><strong>\u201cSi loo hubiyo in aqoonta la gudbinayo ay tahay mid tayo leh, Hay\u2019adda ayaa dejisay shuruudo adag oo ay ka mid yihiin in musharraxa uu haysto ugu yaraan shahaadada koowaad ee jaamacadda, khibrad laba sano ahna u leeyahay maamulka nidaamyada iyo shabakadaha\u201d<\/strong>\u00a0ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka.<\/p>\n<p>Barnaamijkaan ayaa sidoo kale waxaa taageeraya\u00a0Bangiga Adduunka oo kamid ah Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad 29 March 2026 {CBB}Maareeyaha Guud ee Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay barnaamij tababar loogu talagalay in lagu diyaariyo khubaro Soomaaliyeed oo haysata shahaadooyin caalami ah oo dhanka Amniga Saaybarka (Cybersecurity). Barnaamijkan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo aqoonta shaqaalaha ICT-da ee hay\u2019adaha dowladda, si ay u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":10609,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-10608","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10608","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=10608"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10608\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10610,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10608\/revisions\/10610"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/10609"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=10608"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=10608"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=10608"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}