{"id":10716,"date":"2026-04-03T12:02:10","date_gmt":"2026-04-03T12:02:10","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10716"},"modified":"2026-04-03T12:02:10","modified_gmt":"2026-04-03T12:02:10","slug":"hayadda-who-ayaa-eedayn-culus-u-jeediyay-maraykanka-israaiil-oo-si-bareer-ah-u-beegsaday-goobo-caafimaad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10716","title":{"rendered":"Hay\u2019adda WHO ayaa eedayn culus u jeediyay Maraykanka &#038; Israa\u2019iil oo si bareer ah u beegsaday Goobo Caafimaad."},"content":{"rendered":"<p><strong>Jimco 3<\/strong>\u00a0<strong>April 2026 {CBB}<\/strong>Madaxa ugu sarreeya ee Hay\u2019adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa eedayn culus u jeediyay Maraykanka iyo Israa\u2019iil oo si bareer ah u beegsaday Goobo Caafimaad oo badankood ku yaalla Magaalada Tehran ee Caasimadda Iiraan.<\/p>\n<p>Tedros ayaa xusay in meelaha laga xumaado ee bartilmaameedka u noqday isbahaysigaas ku duullay Iiraan waxaana kamid ah Machadka Pasteur Institute of Iran oo ah xarun baaris iyo adeeg caafimaad ah oo la dhisay sanadkii 1920.<\/p>\n<p>Xaruntaan waxa ay door muhiim ah ka qaadatay horumarinta caafimaadka dalka Iiraan iyo meelo kala oo baxsan kana soo baxeen dhaqaatiir badan oo jiil ka jiil isugu baddelay xadaaradda caafimaad ee dalkaas sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p>Meelaha kale ee Maraykanka iyo Israa\u2019iil ay ka beegsadeen Iiraan ee Hay\u2019adda WHO ay dhaliishay waxaa kamid ah xarumo si gaar ah usoo saarayay dawooyin baahi loo qabo sida kuwa Kansarka &amp; kuwo kale oo Bulshada muhiim u ah.<\/p>\n<p>\u201cHay\u2019adda WHO waxa ay xaqiijinaysaa beegsiga xarumaha Caafimaadka Iiraan oo lagu dhuftay in ka badan 20 weerar, waxaa diiwaanka galay dhimashada 9 qof oo ay ku jiraan shaqaale Caafimaad sida kuwa kahortaga cudurrada Faafa\u201d ayuu yiri Tedros Adhanom, Madaxda Hay\u2019adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.<\/p>\n<p>Isbahaysiga Maraykanka iyo Israa\u2019iil ayaa marar badan weeraray Goobo Waxbarasho, Caafimaad &amp; Kuwa Bulshada ugu muhiimsan, halka Madaxweyne Donald Trump uu ku goodiyay in uu beegsanayo Xarumaha Biyaha, Shidaalka &amp; kuwo kale oo muhiim ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jimco 3\u00a0April 2026 {CBB}Madaxa ugu sarreeya ee Hay\u2019adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa eedayn culus u jeediyay Maraykanka iyo Israa\u2019iil oo si bareer ah u beegsaday Goobo Caafimaad oo badankood ku yaalla Magaalada Tehran ee Caasimadda Iiraan. Tedros ayaa xusay in meelaha laga xumaado ee bartilmaameedka u noqday isbahaysigaas ku duullay Iiraan waxaana [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":10717,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-10716","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10716","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=10716"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10716\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10718,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10716\/revisions\/10718"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/10717"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=10716"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=10716"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=10716"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}