{"id":10804,"date":"2026-04-08T14:25:44","date_gmt":"2026-04-08T14:25:44","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10804"},"modified":"2026-04-10T14:27:20","modified_gmt":"2026-04-10T14:27:20","slug":"wasiirka-amniga-soomaaliya-oo-kulan-la-qaatay-safiirka-switzerland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10804","title":{"rendered":"Wasiirka amniga Soomaaliya oo kulan la qaatay Safiirka Switzerland."},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco April 8, 2026 {CBB}<\/strong><strong>\u00a0<\/strong>Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay Safiirka dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Mirko Giulietti.<\/p>\n<p>Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, xasillinta, iyo horumarinta hay\u2019adaha dowliga ah.<\/p>\n<p>Wasiirka iyo Safiirku waxay si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha horumarinta qaranka, oo ay ka mid yihiin la-dagaallanka argagaxisadda, xoojinta iskaashiga amniga guud, iyo kor u qaadidda tayada hay\u2019adaha ammaanka.<\/p>\n<p>Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda dadaallada la-dagaallanka argagaxisadda, iyadoo la isla qaatay in la kordhiyo iskaashiga dhinacyada sirdoonka, tababarka ciidamada, iyo taageerada farsamo, si awoodda kooxaha khatarta ku ah amniga dalka loo wiiqo.<\/p>\n<p>Wasiir Fartaag ayaa uga mahadceliyay dowladda Switzerland taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu door muhiim ah ka qaadanayo adkeynta nabadda, xasiloonida, iyo horumarka dalka.<\/p>\n<p>Dhankiisa, Safiirka Switzerland, Mirko Giulietti, ayaa muujiyay sida ay uga go\u2019an tahay dalkiisa sii wadidda taageerada ku aaddan nabadda, xasiloonida, iyo dhismaha hay\u2019ado dowladeed oo awood leh, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada shaqeyn dhow oo joogto ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco April 8, 2026 {CBB}\u00a0Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay Safiirka dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Mirko Giulietti. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, xasillinta, iyo horumarinta hay\u2019adaha dowliga ah. Wasiirka iyo Safiirku waxay si [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":10805,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-10804","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10804","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=10804"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10804\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10806,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10804\/revisions\/10806"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/10805"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=10804"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=10804"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=10804"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}