{"id":10948,"date":"2026-04-20T10:54:57","date_gmt":"2026-04-20T10:54:57","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10948"},"modified":"2026-04-20T10:54:57","modified_gmt":"2026-04-20T10:54:57","slug":"wasiirrada-katirsan-baarlamaanka-soomaaliya-oo-la-amray-in-ay-xilka-banneeyaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10948","title":{"rendered":"Wasiirrada katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la amray in ay xilka Banneeyaan"},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin 20 april 2026 {CBB}<\/strong>Xubnaha Golaha Wasiirrada ee kamidka ah Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu amray in ay mid uun doortaan labadaas Xil sida ku xusan Dastuurka cusub ee Dalka, warsaxaafadeed kasoo baxay Guddiga Madaxabannaan ee Dib u eegista &amp; Hirgelinta Dastuurka ayaa sidaasi lagu muujiyay.<\/p>\n<p>In Xildhibaanno iyo Wasiirnimo uu hal qof isku hayo waxa uu si toos ah uga hor imaanayaa qodobka 81aad, farqadda 1aad ee xarafka (F) ee Dastuurka cusub ee Dalka, sidaas awgeed ayaa la faray Xildhibaannada haddana ah Wasiirrada in ay mid uun u go\u2019aan ama doortaan labadaas Xil sida hadalka loo dhigay.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"filled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_2_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka Dalka, Abuukaato Burhaan Aadan Cumar ayaa sheegay in iyada oo la tixraayo waajibka Dastuuriga ah ee Guddigaan ee ku xusan cutubka 15aad lala wadaagayo Hay\u2019adaha Dowladda &amp; Shacabka arrintaan sida warsaxaafadeedka lagu yiri.<\/p>\n<p>Waxaa waxba kama jiraan laga dhigay tallaabo ama arrin kasta oo kasoo horjeeda Dastuurka, waxaana waajib noqday dhaqangalka Dastuurka cusub iyada oo la dhaqangeliyo maadaama uu soo maray heerarkii kala duwanaa sida Baarlamaanka ilaa uu ugu dambayn saxiixay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<p>7dii April 2026 ayuu si rasmi ah u dhaqangalay Dastuurka cusub ee Dalka maadaama uu ku dhaqangalayay muddo 30 cisho ah waa marka laga soo billaabo markii uu saxiixay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud laguna soo saaray faafinta rasmiga ah.<\/p>\n<p>Wasiirrada Buuxa ee Xukuumadda Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre waa 25 Wasiir, 16 kamid ah waxa ay xubno ka yihiin labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p><strong>Halkaan ka aqriso Warsaxaafadeedka Guddiga Madaxabannaan ee dib u eegista Dastuurka Dalka &amp; hirgelintiisa<\/strong>:<\/p>\n<h1 class=\"post-title lg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-10949\" src=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-20-at-10.30.54-AM-231x300.jpeg\" alt=\"\" width=\"231\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-20-at-10.30.54-AM-231x300.jpeg 231w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-20-at-10.30.54-AM-789x1024.jpeg 789w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-20-at-10.30.54-AM-768x997.jpeg 768w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-20-at-10.30.54-AM-324x420.jpeg 324w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-20-at-10.30.54-AM-640x831.jpeg 640w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-20-at-10.30.54-AM-681x884.jpeg 681w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-20-at-10.30.54-AM.jpeg 832w\" sizes=\"auto, (max-width: 231px) 100vw, 231px\" \/><\/h1>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin 20 april 2026 {CBB}Xubnaha Golaha Wasiirrada ee kamidka ah Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu amray in ay mid uun doortaan labadaas Xil sida ku xusan Dastuurka cusub ee Dalka, warsaxaafadeed kasoo baxay Guddiga Madaxabannaan ee Dib u eegista &amp; Hirgelinta Dastuurka ayaa sidaasi lagu muujiyay. In Xildhibaanno iyo Wasiirnimo uu hal qof isku hayo waxa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":10950,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-10948","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10948","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=10948"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10948\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10951,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10948\/revisions\/10951"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/10950"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=10948"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=10948"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=10948"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}