{"id":10972,"date":"2026-04-21T11:33:08","date_gmt":"2026-04-21T11:33:08","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10972"},"modified":"2026-04-21T11:33:08","modified_gmt":"2026-04-21T11:33:08","slug":"raiisul-wasaare-xamse-oo-sheegay-in-muddo-xileedka-dawladdu-uu-yahay-5-sano","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=10972","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Xamse oo sheegay in muddo xileedka dawladdu uu yahay 5 sano."},"content":{"rendered":"<p><strong>Taalado 21 april 2026 {CBB}<\/strong>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in mudda xileedka dowladda ee ku cad dastuurka la ansixiyey sanadkii 2012 ay tahay 5 sano, isagoo tilmaamay in sidaas darteed dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ay sharci ahaan haysato muddo xileed dhan shan sano.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad uu ka hadlayay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo yiri:<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><ins class=\"adsbygoogle\" data-ad-client=\"ca-pub-8756589205009556\" data-ad-slot=\"1002323234\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_12_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>\u201cWaxaan arkay rag leh waqtigii dowladda waa dhammaaday, balse mudda xileedka dowladda waa 5 sano.\u201d<\/p>\n<p>Hadalka RW Xamse ayaa si toos ah uga jawaabaya doodaha iyo eedeymaha ay jeedinayaan siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo ku andacoonaya in waqtiga dowladda hadda jirta uu gabaabsi yahay, isla markaana loo baahan yahay hannaan doorasho oo hufan oo lagu beddelo.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, weli waxaa jira mugdi ku saabsan halka uu Ra\u2019iisul Wasaaruhu ka soo xigtay in dastuurka ku meel gaarka ah ee 2012 uu si cad u qeexayo mudda xileed 5 sano ah oo ay leeyihiin hay\u2019adaha dowladda. Qaar ka mid ah khubarada dastuurka iyo siyaasiyiinta ayaa sheegaya in arrintaas aysan si cad ugu qornayn dastuurka, taasoo dhalisay su\u2019aalo sharciyeed iyo dood cusub.<\/p>\n<p>Dhanka kale, waxaa jira aragti kale oo tilmaamaysa in laga yaabo in hadalka Ra\u2019iisul Wasaaraha uu ku saleysan yahay sharci hore oo uu ansixiyey Golaha Shacabka xilligii dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ogolaanayay in hay\u2019adaha dowladda ay xilka sii hayaan ilaa laga dooranayo kuwa beddelaya \u2014 taasoo aan si toos ah u qeexayn mudda xileed rasmi ah oo 5 sano ah.<\/p>\n<p>Hadalka RW Xamse Cabdi Barre ayaa sii xoojiyey muranka siyaasadeed ee ka taagan dalka, xilli ay sii kordhayaan cadaadisyada la xiriira doorashooyinka iyo kala aragti duwanaanta u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taalado 21 april 2026 {CBB}Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in mudda xileedka dowladda ee ku cad dastuurka la ansixiyey sanadkii 2012 ay tahay 5 sano, isagoo tilmaamay in sidaas darteed dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ay sharci ahaan haysato muddo xileed dhan shan sano. Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa hadalkan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":10973,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-10972","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10972","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=10972"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10972\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10974,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10972\/revisions\/10974"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/10973"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=10972"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=10972"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=10972"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}