{"id":11025,"date":"2026-04-24T07:53:49","date_gmt":"2026-04-24T07:53:49","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11025"},"modified":"2026-04-25T07:55:08","modified_gmt":"2026-04-25T07:55:08","slug":"sanbalooshe-oo-kahadlay-dagaalka-ay-dowldu-ay-kula-jirto-as","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11025","title":{"rendered":"Sanbalooshe oo kahadlay dagaalka ay Dowldu ay kula jirto AS."},"content":{"rendered":"<p><strong>Jimco 23 April 2026 {CBB}<\/strong>\u00a0Taliyihii hore ee hay\u2019adda nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli wajahayso caqabado ka hor istaagaya inay si madax-bannaan ula dagaallanto Al-Shabaab.<\/p>\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Somalia Tourism Guide\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\">Somalia Tourism Guide<\/div>\n<p>Wareysi uu bixiyay ayuu Sanbalooshe ku sheegay in is-dhaafsiga xogta sirdoonka uu yahay mid cayiman inkastoo ay jirto taageero caalami ah oo ay Soomaaliya ka hesho Dowladda Mareykanka.<\/p>\n<p>\u201cMacluumaad waa la wadaagaa ilaa xad, laakiin boqolkiiba boqol wada-shaqeyn ma jirto,\u201d ayuu yiri, isagoo xusay in xiriirkaasi uu yahay mid xasaasi ah oo si taxaddar leh loo maareeyo.<\/p>\n<p>Wuxuu tilmaamay in kalsooni la\u2019aanta iyo cabsi laga qabo dhexgal ay ka mid yihiin sababaha ugu waaweyn ee xaddidaya wada-shaqeynta. Sida uu sheegay, hay\u2019adaha caalamiga ahi si buuxda uma furaan xogtooda, halka Soomaaliya ay wali ku jirto dhismaha awoodaha sirdoon ee gudaha.<\/p>\n<p>Sanbalooshe ayaa hoosta ka xarriiqay in dalka u baahan yahay maalgelin iyo dhismo hay\u2019adeed oo xooggan, gaar ahaan dhinacyada sirdoonka tijnoolljiyadda iyo midda dadka, si loo gaaro heer uu si madax-bannaan ula tacaali karo khataraha amni.<\/p>\n<p>Wuxuu intaas ku daray in inkastoo ay jiraan meelo wada-shaqeyn ka jirto sida digniinaha amni iyo hawlgallada militari, haddana inta badan ay ku kooban yihiin meelo kooban.<\/p>\n<p>Sanbaloolshe ayaa labo jeer Soomaaliya kasoo noqday taliyaha hay\u2019adda nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jimco 23 April 2026 {CBB}\u00a0Taliyihii hore ee hay\u2019adda nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli wajahayso caqabado ka hor istaagaya inay si madax-bannaan ula dagaallanto Al-Shabaab. Somalia Tourism Guide Wareysi uu bixiyay ayuu Sanbalooshe ku sheegay in is-dhaafsiga xogta sirdoonka uu yahay mid cayiman inkastoo ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":11026,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-11025","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11025","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=11025"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11025\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11027,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11025\/revisions\/11027"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/11026"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=11025"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=11025"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=11025"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}