{"id":11035,"date":"2026-04-25T09:09:44","date_gmt":"2026-04-25T09:09:44","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11035"},"modified":"2026-04-25T09:09:44","modified_gmt":"2026-04-25T09:09:44","slug":"dowladda-suuriya-oo-xirtay-amjad-yuusuf-oo-ku-eedeysan-in-uu-xasuuq-ka-gaystay-dalkaas","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11035","title":{"rendered":"Dowladda Suuriya oo xirtay Amjad Yuusuf oo ku eedeysan in uu xasuuq ka gaystay Dalkaas"},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabtii 25 April 2026 {CBB}<\/strong>Dowladda Suuriya ayaa soo bandhigtay muuqaalka Amjad Yuusuf oo ku eedeysan in uu xasuuq ka gaystay Dalkiisa weliba loo hayo caddaymo muuqaallo ay ka duubeen kooxdii uu watay qaar kamid ah Dadkaas oo qaarkood si arxan-darro ah loo dilay.<\/p>\n<p>Amjad ayaa horay loo baahiyay muuqaallo loo diray Hay\u2019ado u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo Warbaahinta kuwaas oo ka dhex muuqdeen Dad uu indhaha ka xiray kaddibna uu tooganayo halka qaar kale uu ku dhex tuuray Dab sidaasina ay ku gubteen.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"filled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_2_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Ciqaabta Dadka qaar waxaa muuqaallada laga dhex arkayaa in uu gacantiisa ku gaysanayo halka qaar kale ay fuliyeen xubno katirsan Maleeshiyaadkii uu haystay ee sida tooska ah u hoostagaya maamulkii laga awood badiyay ee Bashar Al-Asad.<\/p>\n<p>Xaafadda Tadamon ayuu ka dhacay mid kamid ah Xasuuqyadii diiwaanka galay, waxa uu dhacay 2013, dadka halkaas lagu dilay waxa ay isugu jireen Haween, Rag iyo Carruur kuwaas oo si aan damiirku ku siin Karin nafta loo dhaafiyay.<\/p>\n<p>Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Suuriya, Anas Khattab ayaa Amjad waydiiyay sida naxariis darrada ah uu dadkiisa u laayahay iyo sababta uusan uga qoomamayneen ilaa hadda, isaga oo ku dhahay \u201cDamiir ma lihid Miyaaa? Carruur ma lihid Miyaa? Iyo su\u2019aalo kale.<\/p>\n<p>Amjad Yuusuf ayaa si hoose jawaab uga bixiyay arrintaas isaga oo dhahay waxaan dhalay Wiil &amp; Gabar, balse kama warcelin sababta keentay in uu damiirka ka tago uuna u xasuuqo Dadka ku dhow Nus Milyanka Ruux ee sida tooska ah iyo sida dadban uu ugu lugta lahaa dilkooda.<\/p>\n<p><strong>Sidee ayaa lagu helay muuqaallada maanta marqaatiga ku ah Amjad Yuusuf?<\/strong><\/p>\n<p>Qof kamid ah Ciidamadii dhibaatadaas qaybta ka ahaa balse aanay soo muuqaan ayaa laga helay xogta kaddib markii Kumbiyuuter xogtaas ku kaydsanayd oo cilad soo gaartay la damcay in lasoo hagaajiyo, markii gudaha loo galay ayaa laga helay muuqaalladaas.<\/p>\n<p>Xasuuqa oo dhacay 16kii April sanadkii 2013 waxaa muuqaalkaan oo xogtiisa lasii hayay uu bannaanka yimid sanadkii 2022, waxaa meelaha qaar laga soosaaray lafaha Dadkii ay dileen maleeshiyaadkii uu watay Ninkaan haatan la qabtay oo xitaa la garan waayay.<\/p>\n<p>Dhammaadkii 2024 oo awoodda laga tuuray qoyska reer Asad waxaa bannaanka yimid dambiyo badan oo dalkaas ka dhacay, inkasta oo Bashaar uu u baxsaday dhinaca Ruushka waxaa jira howlgallo ka dhan ah Dadkii wakiilka uga ahaa xasuuqa Dadka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabtii 25 April 2026 {CBB}Dowladda Suuriya ayaa soo bandhigtay muuqaalka Amjad Yuusuf oo ku eedeysan in uu xasuuq ka gaystay Dalkiisa weliba loo hayo caddaymo muuqaallo ay ka duubeen kooxdii uu watay qaar kamid ah Dadkaas oo qaarkood si arxan-darro ah loo dilay. Amjad ayaa horay loo baahiyay muuqaallo loo diray Hay\u2019ado u dooda Xuquuqda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":11036,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-11035","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11035","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=11035"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11035\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11037,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11035\/revisions\/11037"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/11036"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=11035"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=11035"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=11035"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}