{"id":11090,"date":"2026-04-27T13:39:18","date_gmt":"2026-04-27T13:39:18","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11090"},"modified":"2026-04-28T13:40:51","modified_gmt":"2026-04-28T13:40:51","slug":"qaramada-midoobay-oo-kufashilmay-xaaladaha-bani-aadamnimo-ee-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11090","title":{"rendered":"Qaramada Midoobay oo kufashilmay xaaladaha Bani aadamnimo ee dalka."},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin 27 April 2026 {CBB}<\/strong><strong>\u00a0<\/strong>Qaramada Midoobay ayaa qiimayn ku samaynaysa Xaaladaha Bani aadamnimo ee Soomaaliya, wafdi uu hoggaaminayo ku xigeenka Xoghayaha guud ee arrimaha Gargaarka aadanaha ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.<\/p>\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Somalia Tourism Guide\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<p>Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali ayaa soo dhaweeyay wafdigaan oo dalka joogaya ilaa 1da May isla markaana booqnaya meelo ay kamid tahay Baydhabo.<\/p>\n<p>Xaalado ka dhashay Abaarta dalka ku dhufatay iyo daadadka roobka haatan ka da\u2019ayo qaybo kamid ah Soomaaliya ayaa saamayn taban ku reebay kumanaan ruux oo Soomaali ah kuwaas oo u baahan in la gacansiiyo sida hadalka loo dhigay.<\/p>\n<p>Qaramada Midoobay ayaa horay u sheegtay in cunno la\u2019aan iyo duruufo adag oo kala duwan in ay ka jiraan qaybo kamid ah Soomaaliya loona baahan yahay in laga qaybgalayo badbaadinta Dadkaas dhibaatooyinka wajahaya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin 27 April 2026 {CBB}\u00a0Qaramada Midoobay ayaa qiimayn ku samaynaysa Xaaladaha Bani aadamnimo ee Soomaaliya, wafdi uu hoggaaminayo ku xigeenka Xoghayaha guud ee arrimaha Gargaarka aadanaha ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali ayaa soo dhaweeyay wafdigaan oo dalka joogaya ilaa 1da May isla [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":11091,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-11090","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11090","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=11090"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11090\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11093,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11090\/revisions\/11093"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/11091"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=11090"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=11090"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=11090"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}