{"id":11115,"date":"2026-04-29T10:48:34","date_gmt":"2026-04-29T10:48:34","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11115"},"modified":"2026-04-30T10:51:39","modified_gmt":"2026-04-30T10:51:39","slug":"wafdi-ka-socda-q-m-ayaa-soo-oo-gaaray-magaalada-baydhabo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11115","title":{"rendered":"Wafdi ka socda Q.M ayaa soo  oo gaaray Magaalada  Baydhabo."},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco 29 April 2026 {CBB}<\/strong>Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani\u2019aadannimada iyo Isku-duwaha Gargaarka Degdegga ah, Mudane Tom Fletcher, oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><ins class=\"adsbygoogle\" data-ad-client=\"ca-pub-8756589205009556\" data-ad-slot=\"1002323234\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_11_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobay gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani\u2019aadannimo, wax ka qabashada saameynta abaaraha, iyo taageerada dadka barakacay ee ku nool deegaanada Koonfur Galbeed.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji uga mahadceliyay Qaramada Midoobay doorka muuqda ee ay ka qaadato taageerada shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay baahida loo qabo in la kordhiyo gurmadka degdegga ah iyo mashaariicda horumarineed ee wax ka tari kara xaaladaha bani\u2019aadannimo ee sii kordhaya.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Tom Fletcher ayaa adkeeyay sida ay Qaramada Midoobay uga go\u2019an tahay sii wadista taageerada ay siiso dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan xaaladaha nugul. Waxa uu tilmaamay in booqashadiisu ay qayb ka tahay qiimeyn lagu sameynayo baahiyaha dhabta ah ee ka jira goobaha ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco 29 April 2026 {CBB}Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani\u2019aadannimada iyo Isku-duwaha Gargaarka Degdegga ah, Mudane Tom Fletcher, oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":11116,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-11115","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11115","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=11115"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11115\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11117,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11115\/revisions\/11117"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/11116"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=11115"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=11115"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=11115"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}