{"id":11133,"date":"2026-04-30T11:14:29","date_gmt":"2026-04-30T11:14:29","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11133"},"modified":"2026-04-30T11:14:29","modified_gmt":"2026-04-30T11:14:29","slug":"mungaab-oo-xilka-ka-qaaday-guddoomiyeyaal-ku-soo-baxay-doorasho-qof-iyo-cod-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11133","title":{"rendered":"Mungaab oo xilka ka qaaday Guddoomiyeyaal ku soo baxay Doorasho qof iyo cod ah!"},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamis\u00a0 30 April 2026 {CBB}<\/strong>Duqa magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xilka kaga qaaday guddoomiyeyaashii degmooyinka Dayniile, Cumar Mohamud Mahadale, Shangaani, Safiyo Cismaan Maxamed, iyo Gubadley Cabdullaahi Nuur Maxamuud.<\/p>\n<p>Su\u2019aallo iyo hadalheyn ayaa ka dhashay xil ka qaadista Mas\u2019uuliyiintan oo bishii Decembar ee sannadkii 2025 lagu soo doortay Doorasho qof iyo cod ah oo ay u dareereen dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"filled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_2_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Wareegto ka soo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa shaqada looga eryay Mas\u2019uuliyiintan oo ka tirsan golaha deegaanka ee degmooyinka ay maamulayeen.<\/p>\n<p>Sababta xilka qaadista Guddoomiyeyaashan laguma sheegin wareegtada, balse waxaa la shaaciyay mas\u2019uuliyiinta badaleysa.<\/p>\n<p>In kasta oo Duqa Magaaladu uu cuskaday baahida loo qabo dardar-gelinta adeegyada iyo bilicda, haddana beddelista madaxdii la doortay iyadoo aan loo marin nidaam doorasho kale ayaa loo fasiran karaa mid dib u dhac ku yimid qorshaha Dowladda Federaalka.<\/p>\n<p>Dhawaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa caddeeyay in aan Digreeto lagu soo magacaabi doonin mas\u2019uuliyiinta degmooyinka.<\/p>\n<p>Mungaab ayaa u muuqda inuu qaatay go\u2019aan ka hor imaanaya himilada Dowladda oo ah hirgalinta Doorasho qof &amp; cod ah iyo weliba in laga gudbo nidaamka magacaabista oo u muuqda mid aan u adeegnayn danaha bulshada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamis\u00a0 30 April 2026 {CBB}Duqa magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xilka kaga qaaday guddoomiyeyaashii degmooyinka Dayniile, Cumar Mohamud Mahadale, Shangaani, Safiyo Cismaan Maxamed, iyo Gubadley Cabdullaahi Nuur Maxamuud. Su\u2019aallo iyo hadalheyn ayaa ka dhashay xil ka qaadista Mas\u2019uuliyiintan oo bishii Decembar ee sannadkii 2025 lagu soo doortay Doorasho qof iyo cod ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":11134,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-11133","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11133","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=11133"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11133\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11135,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11133\/revisions\/11135"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/11134"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=11133"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=11133"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=11133"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}