{"id":11161,"date":"2026-05-04T11:31:56","date_gmt":"2026-05-04T11:31:56","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11161"},"modified":"2026-05-04T11:31:56","modified_gmt":"2026-05-04T11:31:56","slug":"soomaaliya-oo-billawday-tijaabo-cusub-oo-u-fududeynaya-sida-loo-maareeyo-lacagaha-tikidhada-diyaaradaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11161","title":{"rendered":"Soomaaliya oo billawday tijaabo cusub oo u fududeynaya sida loo maareeyo lacagaha tikidhada diyaaradaha."},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin\u00a0 4 May\u00a0 2026 {CBB}<\/strong>Soomaaliya ayaa billowday in ay la socoto lacagaha tikidhada iyada oo kaashanysa Shirkadaha Diyaaradaha dalka ka howlgalla iyo Ururka Caalamiga ah ee mideeya Shirkadaha Diyaaradaha IATA sida ay ku warrameen mas\u2019uuliyiin kala duwan.<\/p>\n<p>Tijaabada ugu horreysa waxaa lagu samaynayaa Shirkadda Ethiopian Airlines oo kamid ah shirkadaha duullimaadka dalka ka sameeya, waxaana loo marayaa nidaamka lacag bixinta ee BSP ee Ururka Caalamiga ah ee IATA.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"filled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_2_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Wasiirka Gaadiidka &amp; Duullista Hawada Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux oo ka qaybgalay shir ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya ayaa sheegay in tallaabadaan ay qayb ka tahay horumarka Dowladdu ku tallaabsanayso.<\/p>\n<p>Waxa uu intaas ku daray in nidaamkaan uu yahay mid caalami ah oo dib usoo noolaynayo Dhaqaalaha Soomaaliya, rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay in uu dhaqangalo barnaamijkaan cusub ee tijaabada maraya dhammaadka bishaan ilaa horraanta Juun.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cSoomaaliya waxa ay taagan tahay marxalad muhiim ah oo isbaddel ah kuna saabsan waaxda duulista hawada oo isku xirnaanta heer gobol iyo mid caalami sii kordhinaysa, tani waxa ay dib usoo noolayneysaa dhaqaalaha Dalka iyada oo Muqdisho ka dhigaysa Xarun Gaadiid oo Geeska Afrika ah\u201d<\/em><\/strong>\u00a0Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Gaadiidka &amp; Duullista Hawada XFS, Maxamed Faarax Nuux.<\/p>\n<p>Madaxweyne Ku xigeenka IATA ee Afrika iyo Bariga Dhexe, Kamil Al-Awadhi ayaa bogaadiyay tallaabooyinka ay qaadday Dowladda Soomaaliya, waxa uu ku sifeeyay mid xoojinaysa kaabayaasha duullista hawada iyada oo aqoonsan faa\u2019iidooyinka dhaqaale ee muhiimka ah.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cWaa arrin bogaadin mudan tallaabooyinka ay Dowladda Soomaaliya qaadday si ay u casriyeyso oo dib ugu dhisto kaabayaasha duullista hawada, Dowladdu waxa ay aqoonsan tahay faa\u2019iidooyinka dhaqaale ee muhiimka ah ee safarka hawada keeni karo, waxaana taageeraynaa dejinta hirgelinta adeegyo maaliyadeed oo aammaan ah\u201d<\/em><\/strong>\u00a0ayuu yiri MW Ku xigeenka IATA ee Afrika iyo Bariga Dhexe, Kamil Al-Awadhi.<\/p>\n<p>Nidaamka BSP waa mid caalami ah oo fududeeya macaamillada maaliyadeed ee u dhaxeeya wakaaladaha safarka ee IATA ay aqoonsan tahay iyo Shirkadaha Diyaaradaha, waxaa ku xiran in ka badan 400 oo shirkadood iyo 10 kun oo wakiillo safar ah dunida oo dhan.<\/p>\n<p>Sannadkii 2025, waxa uu nidaamkaan maareeyay in ka badan 700 oo milyan oo macaamiil ah oo ka dhacay in ka badan 180 Dal, wadarta lacagta kasoo xarootay waxa ay gaartay 242 Bilyan oo Doollar sida lagu sheegay Warbixintaan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin\u00a0 4 May\u00a0 2026 {CBB}Soomaaliya ayaa billowday in ay la socoto lacagaha tikidhada iyada oo kaashanysa Shirkadaha Diyaaradaha dalka ka howlgalla iyo Ururka Caalamiga ah ee mideeya Shirkadaha Diyaaradaha IATA sida ay ku warrameen mas\u2019uuliyiin kala duwan. Tijaabada ugu horreysa waxaa lagu samaynayaa Shirkadda Ethiopian Airlines oo kamid ah shirkadaha duullimaadka dalka ka sameeya, waxaana [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":11162,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-11161","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11161","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=11161"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11161\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11163,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11161\/revisions\/11163"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/11162"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=11161"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=11161"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=11161"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}