{"id":11175,"date":"2026-05-10T16:00:10","date_gmt":"2026-05-10T16:00:10","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11175"},"modified":"2026-05-10T16:00:10","modified_gmt":"2026-05-10T16:00:10","slug":"saraakiisha-dowladda-federaalka-iyo-kuwa-galmudug-oo-lagu-amray-in-ay-ka-wada-shaqeeyaan-sugida-amniga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11175","title":{"rendered":"Saraakiisha Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug oo lagu amray in ay ka wada shaqeeyaan sugida Amniga"},"content":{"rendered":"<p>Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, waxaa maanta ka qabsoomay kulan muhiim ah oo looga hadlayay xoojinta amniga iyo xasiloonida deegaannada dowlad gobolleedkaas.<\/p>\n<p>Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Col. Maxamed Cabdi Daahir Dhagawyane, iyadoo ay ka qeyb galeen ) saraakiil sare oo ka kala socday Ciidanka Nabadsugidda iyo Booliiska, waxaana guddoomiyay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, S\/Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed Kaniif.<\/p>\n<p>Intii uu kulanku socday, saraakiisha ayaa soo bandhigay warbixino la xiriira dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada caasimadda iyo la dagaallanka falalka amni-darrada.<\/p>\n<p>Taliyaha Qaybta 21-aad iyo Taliye ku-xigeenka Booliiska ayaa saraakiisha ku amray inay kor u qaadaan wada-shaqeynta ka dhaxeysa laamaha amniga, iyagoo kula dardaarmay inay si adag uga shaqeeyaan badqabka bulshada, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara qalqal gelin amni.<\/p>\n<p>Sidoo kale, waxaa kulanka lagu shaaciyay in dhawaan uu xilka si rasmi ah u la wareegi doono Taliyaha cusub ee Qeybta Booliiska Galmudug, si loo dardargeliyo howlaha sugidda nabadgelyada.<\/p>\n<p>Masuuliyiinta ayaa isku raacay in isku-duwidda ciidanka ay fure u tahay xaqiijinta xasilooni waarta oo ka dhalata caasimadda Dhuusamareeb iyo guud ahaan deegaannada Galmudug.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, waxaa maanta ka qabsoomay kulan muhiim ah oo looga hadlayay xoojinta amniga iyo xasiloonida deegaannada dowlad gobolleedkaas. Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Col. Maxamed Cabdi Daahir Dhagawyane, iyadoo ay ka qeyb galeen ) saraakiil sare oo ka kala socday Ciidanka Nabadsugidda iyo Booliiska, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":11176,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-11175","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11175","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=11175"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11175\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11178,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11175\/revisions\/11178"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/11176"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=11175"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=11175"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=11175"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}