{"id":11186,"date":"2026-05-10T16:04:19","date_gmt":"2026-05-10T16:04:19","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11186"},"modified":"2026-05-10T16:04:19","modified_gmt":"2026-05-10T16:04:19","slug":"taliye-macalin-mahdi-muqdisho-lagama-ogola-in-lagu-wato-hubka-culus-sida-bkm-dhashiike-iyo-saban","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11186","title":{"rendered":"Taliye Macalin Mahdi \u201cMuqdisho lagama ogola in lagu wato hubka culus sida BKM, Dhashiike iyo Saban\u201d"},"content":{"rendered":"<div class=\"entry-thumbnail post-media post-image post-featured-image\"><\/div>\n<div class=\"clearfix mb-30\"><\/div>\n<article id=\"post-109953\" class=\" post-details post-109953 post type-post status-publish format-standard has-post-thumbnail hentry category-banadir category-wararka\">\n<div class=\"post-body clearfix\">\n<div class=\"entry-content clearfix\">\n<p>Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare, Mahdi Cumar ayaa amray in gudaha magaalada Muqdisho aan lagu wadan karin hubka culus.<\/p>\n<p>Shir jaraa\u2019id oo uu magaalada Muqdisho ku qabtay Macalin Mahdi ayaa caddeeyay in Bannaanbaxa yahay xaq dastuuri ah, isla markaasna Mucaaradka isugu imaan karaan goobaha loo asteeyay sida Garoonka Eng Yariisow.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in la oggoleyn cid aan aheyn Hay\u2019adaha Amniga oo hub culus ku wadata gudaha magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p><strong>\u201cMuqdisho lagama ogola in lagu wato hubka culus sida BKM, Dhashiike iyo Saban, waxaan dooneyna in la adkeeyo Amniga guud, annaga ayaa damaanad qaadeyna Amnigiina\u201d<\/strong>\u00a0ayuu yiri Taliye Macalin Mahdi.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, Taliyaha ayaa caddeeyay in la baari doono dhimashada muwadin Soomaaliyeed oo ku geeriyooday is rasaaseyn ka dhacday degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.<\/p>\n<p><strong>\u201cDeyniile waxaa tagay Xildhibaan aan xilkas ahayn oo ciidan watay, kaas oo dad isku keenay meesha, Hay\u2019adihii amniga ayaa xabad riday, taas oo sababtay in muwaadin uu dhinto.\u201d\u00a0<\/strong>ayuu yiri Taliye Mahdi.<\/p>\n<p>Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho laga dareemay dhaqdhaqaaqyada bannaanbaxa ay wadaan Mucaaradka, kaasi oo ka dhan ah Dowladda Federaalka.<\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/article>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare, Mahdi Cumar ayaa amray in gudaha magaalada Muqdisho aan lagu wadan karin hubka culus. Shir jaraa\u2019id oo uu magaalada Muqdisho ku qabtay Macalin Mahdi ayaa caddeeyay in Bannaanbaxa yahay xaq dastuuri ah, isla markaasna Mucaaradka isugu imaan karaan goobaha loo asteeyay sida Garoonka Eng Yariisow. Sidoo kale, Taliyaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":11187,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-11186","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11186","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=11186"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11186\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11189,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11186\/revisions\/11189"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/11187"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=11186"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=11186"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=11186"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}