{"id":11218,"date":"2026-05-12T10:50:35","date_gmt":"2026-05-12T10:50:35","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11218"},"modified":"2026-05-12T10:50:35","modified_gmt":"2026-05-12T10:50:35","slug":"cirro-oo-la-la-yahay-halka-uu-jaan-iyo-cirib-dhigay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11218","title":{"rendered":"Cirro oo la la\u2019 yahay halka uu jaan iyo cirib dhigay!"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado 12 May 2026 {CBB}<\/strong>Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa la waayay halka uu jaan iyo cirib dhigay tan iyo 23kii April oo xilligaas la sheegay in uu arrimo gaar u ah ugu ambabaxay Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.<\/p>\n<p>Cabdiraxmaan Cirro ayaa Safarkaas shaqsi ah horay u watay xubno kooban oo xigtadiisa ah kuwaas oo aan bixin faahfaahin la xiriirta halka uu ku dambeeyay, ujeedka ku dhex duuggan safarkaas gaarka ah iyo su\u2019aalo kale oo dulsaaran.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"filled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_2_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Cirro waxaa shaqadiisa sii wada ku xigeenkiisa, Maxamed Cali Aw Cabdi oo Qudhiisa dhowr jeer ka gaabsaday markii wax laga weydiiyay halka uu ku dambeeyo hoggaamiyaha ka sarreeya ee maamulka Waqooyi Galbeed.<\/p>\n<p>Dhowr jeer ayuu safarro gaar ah ugu ambabaxay Isutagga Imaaraatka Carabta iyo meelo kale balse muddo intaan la eg marnaba maka maqnaan Warbaahinta, tani waxa ay sababtay in Dadku su\u2019aalo badan iska waydiiyaan halka uu jaan iyo cirib dhigay.<\/p>\n<p>Tan iyo markii Cabdiraxmaan Cirro uu ku faraq-xirtay Israa\u2019iil waxa uu dhowr jeer safarro qarsoodi ah ku aaday Isutagga Imaaraatka Carabta oo ah Dalka ku xiray Yuhuudda, waxaana la hoos loo dhigay xogaha safarradiisa inkasta oo markaan uu muddo dheer la la\u2019 yahay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado 12 May 2026 {CBB}Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa la waayay halka uu jaan iyo cirib dhigay tan iyo 23kii April oo xilligaas la sheegay in uu arrimo gaar u ah ugu ambabaxay Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta. Cabdiraxmaan Cirro ayaa Safarkaas shaqsi ah horay u watay xubno kooban oo xigtadiisa ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":11219,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-11218","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11218","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=11218"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11218\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11220,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11218\/revisions\/11220"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/11219"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=11218"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=11218"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=11218"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}