{"id":11347,"date":"2026-05-16T09:24:18","date_gmt":"2026-05-16T09:24:18","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11347"},"modified":"2026-05-16T09:24:18","modified_gmt":"2026-05-16T09:24:18","slug":"sawiro-abaaraha-iyo-barakaca-baahsan-ayaa-malaayiin-qof-oo-ku-nool-soomaaliya-iyo-deegaanka-soomaalida-ee-itoobiya-qarka-u-saaray-xaalad-aad-u-adag","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11347","title":{"rendered":"Sawiro;-Abaaraha iyo barakaca baahsan ayaa malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya iyo Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya qarka u saaray xaalad aad u adag"},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabti 16 May 2026 {CBB}<\/strong>Afar xilli-roobaad oo xiriir ah oo aan la helin ayaa sababay xaalad abaareed oo aad u<br \/>\ndaran oo ka jirta Soomaaliya, taasoo malaayiin qof gelisay cunto yari ba\u2019an isla<br \/>\nmarkaana ku qasabtay malaayiin kale in ay ka barakacaan guryahooda. Iyadoo<br \/>\nmaalgelintii gargaarka bani\u2019aadannimo ay si weyn hoos ugu dhacday, waxaa hadda<br \/>\nhalis ugu jira in la joojiyo gargaaradii ugu dambeeyay ee nolosha dadka<br \/>\nbadbaadinayay.<br \/>\nBishii Nofeembar 2025, dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad<br \/>\nqaran oo deg-deg ah oo la xiriirta abaaraha. In ka badan 6.5 milyan oo qof; qiyaastii afartii<br \/>\nqofba hal qof oo Soomaali ah, ayaa hadda wajahaya heerar sare oo cunto yari ba\u2019an ah,<br \/>\nsida lagu sheegay qiimeynta caanka ah ee IPC (Integrated Food Security Phase<br \/>\nClassification). In ka badan laba milyan oo qof ayaa ku jira Heerka 4-aad ee IPC, taasoo<br \/>\nmuujinaysa cunto yari aad u daran iyo khatar sare oo nafaqo darro iyo dhimasho ah. Sidoo<br \/>\nkale, in ka badan 1.84 milyan oo carruur ah oo ka yar da&#8217;da shan sano jirka ayaa la filayaa<br \/>\nin ay la ildarnaadaan nafaqo darro ba\u2019an gudaha dalka sannadka 2026.<br \/>\n\u201cWaxaan uso barakacnay abaarta darteed,<br \/>\n\u201d ayay tiri Regay Cali oo ah qof barakaca ah<br \/>\nkana soo tagtay gurigeedii ku yaallay Weelbelil, oo qiyaastii 160 kiiloomitir u jirta<br \/>\nmagaalada Baydhabo ee Koonfur-galbeed, Soomaaliya. Waxa ay lacag ka amaahatay<br \/>\nderiskeeda si ay u gaarto xero barakac oo ku taalla magaalada Baydhabo.<br \/>\n\u201cBiyo waan<br \/>\nhelnaa, laakiin naguma filna: laba jeerigaan oo keliyab ayaannu helnaa maalintii \u2014<br \/>\nkuwaas oo loogu talagalay dhar dhaqidda, qubayska, karinta iyo weliba in la cabo. Xitaa<br \/>\nshan jerigaan naguma filnaan lahayn. Gaajo ayaa si weyn noo haysa. Waxaan ka soo<br \/>\nbarakacnay gaajo, haddana meesha aan joogno weli wax nagu filan kuma haysanno.<br \/>\n\u201d<br \/>\nQiyaastii 3.3 milyan oo qof oo la mid ah hooyo Regay ayaa ku barakacay Soomaaliya<br \/>\nsababo la xiriira abaaraha iyo colaadaha, halka in ka badan 50,000 oo qof ay u<br \/>\ngudbeen Itoobiya iyagoo raadinaya biyo iyo gargaar, sida ay sheegtay UNHCR.<br \/>\nGoobaha barakaca<br \/>\nee ku hareeraysan Baydhabo iyo Gaalkacyo ayaa si deg-deg ah u buuxsamaya, halka<br \/>\nqiimaha biyuhuna uu gaaray heer aysan awoodin qoysaska intooda badan. Sidoo kale,<br \/>\nkhatarta cudurrada biyaha ku faafa ayaa sii kordheysa sabab la xidhiidha dadka<br \/>\ntiradoodu badantahay oo wada isticmaalaya ilo biyo oo xaddidan, mararka qaarna aan<br \/>\nnadiif ahayn. Sida ay sheegtay UNOCHA, Puntland oo ay Gaalkacyo ka tirsantahay,<br \/>\nqiyaastii 170 ceel-biyood iyo ceelal gacmeedyo ah ayan shaqeynayn tan iyo bishii<br \/>\nDiseembar 2025, taasoo si weyn u xaddidaysa helitaanka biyo nadiif ah.<br \/>\nXarunta ay MSF taageerto ee magaalada Baydhabo, waxa aan durba diiwaangelinay tiro<br \/>\naad u badan oo carruur ah oo qaba nafaqo darro ba\u2019an, iyadoo isbitaalku uu la tacaalayo<br \/>\nbukaanada ka badan awooddiisa. Kororka degdegga ah ee xilligan bilowga xilliga<br \/>\nmacluusha ayaa muujinaya in xaaladdu sii xumaan doonto bilaha soo socda.<br \/>\nSaameynta roob la\u2019aantu kuma eka xuduudaha Soomaaliya oo keliya. Sida lagu sheegay<br \/>\nwarbixinta qiimeynta baahiya xilliyeedka GU ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya<br \/>\nsannadka 2025, deegaanka ayaa wajahaya xaalad la mid ah, iyadoo yaraanta roobabku<br \/>\nsi daran u saameeyeen bulshooyinka xoolo-dhaqatada iyo beeralayda ah. Koonfurta<br \/>\nDeegaanka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan deegaannada Afdheeer iyo Shabeelle oo<br \/>\nah dhulal hoose oo qallalan oo u dhow xadka Soomaaliya, roobabkii oo yaraaday ayaa<br \/>\nsababay dhimashada xoolaha, biyo yari ba\u2019an iyo kororka cunto yarida. Bulshooyinka<br \/>\nxoolo-dhaqatada ah ayaa waayay ilihii ay ku noolaan jireen, iyadoo tartanka loogu jiro<br \/>\nbiyaha yar ee jira uu sii kordhayo.<br \/>\n\u201cDadka badankood ee bulshadaan waxa ay dhaqan jireen xoolo; taas ayaana ku noolayn.<br \/>\nMarkii roobkii joogsaday, waxa aan luminay xoolihii, dadkiina waxa ay u qaxeen meel<br \/>\nkasta oo ay biyo ka heli karaan si ay ugu noolaadaan,<br \/>\n\u201d ayuu yiri Isaaq Ibraahim Maxamed,<br \/>\noo ka mid ah dadka degan degmada Barey ee gobolka Afdheer.<br \/>\n\u201cNolosheennu aad ayay u<br \/>\nadag tahay, sababtoo ah ma jiro wax lagu tiirsanaado. Dadku waxa ay socdaan saacad<br \/>\nama ka badan si ay biyo uga soo dhaansadaan webiyada, waxaana biyahaas laga<br \/>\nwaraabiyaa xoolaha. Waxaan aragnaa shuban iyo nafaqo darro.<br \/>\n\u201d<br \/>\nIntii lagu jiray qiimeyn uu hugaaminayey Xafiiska Caafimaadka Deegaanka Soomaalida<br \/>\nItoobiya oo ay iska kaashadeen MSF, lagana sameeyay deegaannada Afdheer iyo<br \/>\nShabeelle, kooxaheennu waxa ay ogaadeen baahiyo deg-deg ah oo ka jira adeegyada<br \/>\nbiyaha iyo nafaqada, iyadoo awoodda caafimaad ee maxalliga ahi ay aad u liidato.<br \/>\nXaaladdaan waxaa sii xumeeyay hay\u2019ado caafimaad iyo kuwo gar-gaar oo badan oo<br \/>\nshaqada joojinaya sababo la xiriira maalgelin yari, halka kororka qiimaha shidaalka ee<br \/>\nka dhashay colaadaha Bariga Dhexe iyo xaddidaadaha silsiladaha sahaydu ay sii<br \/>\nadkeeyeen jawaabta gurmadka.<br \/>\n\u201cMeelihii aan qiimeynta ku sameynay annaga oo kaashanayna xafiiska caafimaadka<br \/>\ndeegaanka, waxaan ku aragnay tiro badan oo carruur nafaqo darro qaba oo la dhigay<br \/>\nxarumaha caafimaadka. Waxaaan aragnaa hoos u dhac ku yimid adeegyadii bukaannadu<br \/>\nheli jireen, maadaama hay\u2019adihii gargaarku ay u guurayaan sababo la xiriira dhimista<br \/>\nmaalgelinta caalamiga ah iyo yaraanta dhaqaalaha. Tani waxa ay culays weyn saartay<br \/>\nnidaamka jira. Barnaamijyada biyaha iyo fayadhowrka ayaa ah kuwa ugu<br \/>\ndaran ee ay saameeyeen dhimista maalgelinta caalamiga ah,<br \/>\n\u201d ayuu yiri Cabdullaahi<br \/>\nMaxamed Cabdi, oo ah ku-xigeenka hoggaamiyaha kooxda caafimaadka ee MSF<br \/>\nItoobiya.<br \/>\nMSF waxa ay la shaqaynaysaa maamulka caafimaadka maxalliga ah ee degmada Barey<br \/>\nee gobolka Afdheer si loo taageero nafaqada iyo howlaha biyaha iyo fayadhowrka. MSF<br \/>\nwaxa ay sidoo kale qorsheynaysaa in ay taageerada ku ballaariso gobolka Shabeelle.<br \/>\nGudaha Soomaaliya, MSF waxa ay ka jawaabaysay xaaladda deg-degga ah ee abaaraha<br \/>\ntan iyo Diseembar 2025. Magaalada Baydhabo, in ka badan 30 milyan oo litir oo biyo<br \/>\nnadiif ah ayaa loo qeybiyay in ka badan 21,000 oo qof oo ku nool 17 goobood oo<br \/>\nbarakacayaal ah. Gobolka Mudug, MSF waxa ay bixineysaa saddex milyan oo litir oo biyo<br \/>\nah, taageero dhanka fayadhowrka iyo nadaafadda ah oo loogu talagalay ku dhawaad<br \/>\n11,000 oo qof oo ku nool agagaarka magaalada Gaalkacyo, taasoo ay ku jiraan<br \/>\ndayactirka ceelasha biyaha iyo qeybinta agabka nadaafadda.<br \/>\nLaakiin xilli ay baahidu sii kordheyso, taageeradii maalgelinta caalamiga ah ayaa<br \/>\nburburtay. Qorshaha Baahiyaha iyo Jawaabta Bani\u2019aadannimo ee Soomaaliya ee 2026 ayaa<br \/>\nla maalgeliyay kaliya 10.9 boqolkiiba, sida ay sheegtay UNOCHA. Barnaamijka<br \/>\nCuntada Adduunka (WFP) ayaa yareeyay gargaarkii cuntada degdegga ahaa oo markii<br \/>\nhore la siin jiray in ka badan laba milyan oo qof, una dhimay wax yar oo ka badan 600,000<br \/>\noo qof: hadda toddobadii Soomaali ah ee u baahan gargaar cunto, hal qof oo keliya ayaa<br \/>\nhela. In ka badan 300,000 oo qof ayaa waayay helitaanka biyo nadiif ah si toos ah sababta<br \/>\noo ah maalgelin la\u2019aantan, halka in ka badan 70 xarumood oo caafimaad ay ku xirmeen<br \/>\nPuntland.<br \/>\n\u201cWaxa aan ku aragno goobaha barakaca waa baahi aad uga weyn mid ay hal hay\u2019ad<br \/>\nkaligeed wax ka qaban karto,<br \/>\n\u201d ayuu yiri Maxamed Cumar, madaxa barnaamijyada<br \/>\nMSF ee Soomaaliya.<br \/>\n\u201cDadku maalin kasta ayay imaanayaan, kheyraadkiina lama<br \/>\njaanqaadi karo baahida sii kordheysa. Waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka iyo<br \/>\ndowladaha inay si degdeg ah u kordhiyaan taageeradooda hadda, iyagoo bixinaya<br \/>\nmaalgelin joogto ah oo dabacsan, ka hor inta aysan dad badan ugu dhiman sababo<br \/>\ngebi ahaanba laga hortagi karo.<br \/>\n\u201d<br \/>\nMSF waxay ugu baaqaysaa deeq-bixiyeyaasha inay si degdeg ah dib ugu soo celiyaan oo<br \/>\nay u kordhiyaan maalgelinta jawaabta bani\u2019aadannimo ee Soomaaliya iyo Deegaanka<br \/>\nSoomaalida Itoobiya, halkaas oo afar xilli-roobaad oo xiriir ah oo fashilmay ay malaayiin<br \/>\nqof ku riixeen qarka badbaadada. Ka bixitaanka gargaarka xilligan ma aha wax lama<br \/>\nhuraan ah. Waa doorasho, waana mid nafaf badan galaafanaysa<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<figure id=\"attachment_11350\" aria-describedby=\"caption-attachment-11350\" style=\"width: 300px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-medium wp-image-11350\" src=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367151High.JPG-300x169.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"169\" srcset=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367151High.JPG-300x169.jpeg 300w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367151High.JPG-1024x577.jpeg 1024w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367151High.JPG-768x432.jpeg 768w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367151High.JPG-1536x865.jpeg 1536w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367151High.JPG-2048x1153.jpeg 2048w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367151High.JPG-746x420.jpeg 746w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367151High.JPG-640x360.jpeg 640w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367151High.JPG-681x383.jpeg 681w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367151High.JPG-1021x580.jpeg 1021w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-11350\" class=\"wp-caption-text\">An MSF water and sanitation staff member collects water from the Shebelle River for testing in Kelafo district, Somali region, Ethiopia. Communities in the town now rely directly on river water after interruptions to the usual treatment process due to fuel shortages, increasing the risk of water-borne diseases.<br \/>Radio Codka Bay iyo Bakool<\/figcaption><\/figure>\n<figure id=\"attachment_11348\" aria-describedby=\"caption-attachment-11348\" style=\"width: 300px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-medium wp-image-11348\" src=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367221High.jpg-300x169.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"169\" srcset=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367221High.jpg-300x169.jpeg 300w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367221High.jpg-1024x576.jpeg 1024w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367221High.jpg-768x432.jpeg 768w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367221High.jpg-1536x864.jpeg 1536w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367221High.jpg-2048x1152.jpeg 2048w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367221High.jpg-747x420.jpeg 747w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367221High.jpg-640x360.jpeg 640w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367221High.jpg-681x383.jpeg 681w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367221High.jpg-1021x580.jpeg 1021w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-11348\" class=\"wp-caption-text\">MSF staff visit a water point in Nimcoley IDP camp in Baidoa, Bay region. Nimcoley is one of 17 IDP sites supported by MSF with water trucking to improve access to safe drinking water for displaced communities.Radio Bay iyo Bakool<\/figcaption><\/figure>\n<figure id=\"attachment_11349\" aria-describedby=\"caption-attachment-11349\" style=\"width: 300px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-medium wp-image-11349\" src=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367152High.JPG-300x169.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"169\" srcset=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367152High.JPG-300x169.jpeg 300w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367152High.JPG-1024x577.jpeg 1024w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367152High.JPG-768x432.jpeg 768w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367152High.JPG-1536x865.jpeg 1536w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367152High.JPG-2048x1153.jpeg 2048w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367152High.JPG-746x420.jpeg 746w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367152High.JPG-640x360.jpeg 640w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367152High.JPG-681x383.jpeg 681w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/MSF367152High.JPG-1021x580.jpeg 1021w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-11349\" class=\"wp-caption-text\">Residents of Afdub town in Kelafo district, Somali region, Ethiopia have missed several rainy seasons and now depend on a private water provider. Many families pay for water despite limited income to ensure access for their households and livestock. Radio Bay Iyo Bakool<\/figcaption><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabti 16 May 2026 {CBB}Afar xilli-roobaad oo xiriir ah oo aan la helin ayaa sababay xaalad abaareed oo aad u daran oo ka jirta Soomaaliya, taasoo malaayiin qof gelisay cunto yari ba\u2019an isla markaana ku qasabtay malaayiin kale in ay ka barakacaan guryahooda. Iyadoo maalgelintii gargaarka bani\u2019aadannimo ay si weyn hoos ugu dhacday, waxaa hadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":11349,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-11347","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11347","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=11347"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11347\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11351,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11347\/revisions\/11351"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/11349"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=11347"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=11347"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=11347"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}