{"id":11371,"date":"2026-05-17T11:23:56","date_gmt":"2026-05-17T11:23:56","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11371"},"modified":"2026-05-18T11:35:51","modified_gmt":"2026-05-18T11:35:51","slug":"dfs-oo-qorsheeneysa-in-kordhiso-mushaarka-ciidamada-qalabka-sida","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11371","title":{"rendered":"DFS oo qorsheeneysa in kordhiso mushaarka Ciidamada Qalabka Sida."},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad May 17, 2026 {CBB} <\/strong>Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheeneysa in mushaarka Ciidamada Qalabka Sida ay u kordhiso, in ka badan 6 sanno ka dib oo ugu dambeysay in mushaarka Ciimada Qalabka Sida loo kordhiyo.<\/p>\n<p>Sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo xiganaya Sarkaal sare oo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in wixii ka dambeeya bisha 6aad ee sanadkaan la kordhinaya mushaarka ay qaataan ciidanka dableyda ee ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.<\/p>\n<p>Saraakiishaan ayaa inoo sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheenaya in mushaarka ciidamada ka dhigo $300 halka hadda ay mushaar ahaan bil waliba u qaataan $200 oo dollar.<\/p>\n<p>Xukuumaddii Ra\u2019iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa November 2019 mushaar kordhin u sambeysay ciidamada dowladda, oo markaas mushaarkooda laga dhigay $200 ka dib Golaha wasiirrada oo cod aqlabiyad leh ku meel mariyay miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $459.5 Milyan.<\/p>\n<p>Luuliyo 25, 2013 Golaha Wasiirada ee Soomaaliya ee dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa go\u2019aamiyay in mushaarka ciidamada Dowaladda Federaalka Soomaaliya oo ahaan jiray $100 dollar laga dhigo $160 dollar, taas oo wax badan ka badashay dhaqaalaha ciidanka oo xilligaas duruufo adag ku sugnaa.<\/p>\n<p>Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u soo jeediyay in mushaarka ciidamada dowladda la kordhiyo, iyaga oo xilligaas sheegay in askarta dowladda aysan ku filneyn mushaarka.<\/p>\n<p>Mucaaradka ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku dhaliilay tan iyo 2022 in uusan mushaar kordhin u sameenin ciidamada dowladda taas badalkayd ay dowladda mushaar kordhin u sameysay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad May 17, 2026 {CBB} Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheeneysa in mushaarka Ciidamada Qalabka Sida ay u kordhiso, in ka badan 6 sanno ka dib oo ugu dambeysay in mushaarka Ciimada Qalabka Sida loo kordhiyo. Sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo xiganaya Sarkaal sare oo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":11375,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-11371","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11371","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=11371"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11371\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11376,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11371\/revisions\/11376"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/11375"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=11371"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=11371"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=11371"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}