{"id":11404,"date":"2026-05-18T11:56:40","date_gmt":"2026-05-18T11:56:40","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11404"},"modified":"2026-05-18T11:56:40","modified_gmt":"2026-05-18T11:56:40","slug":"4ta-qodob-ee-cabdiraxmaan-cirro-laga-sugayay-balse-afkiisa-uu-ka-dhowray","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11404","title":{"rendered":"4ta qodob ee Cabdiraxmaan Cirro laga sugayay balse afkiisa uu ka dhowray"},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin 18 May 2026 {CBB}<\/strong>Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa la sugayay khudbadda uu ka jeediyay munaasabad ka dhacday Magaalada Hargaysa in uu kusoo hadal qaado afar qodob oo hadal hayn culus dhaliyay ayaa ka gaabsaday qodobadaas.<\/p>\n<p>Cabdiraxmaan Cirro ayaa u muuqday in uu dhinac isaga riixayo culayskaas maadaama dadka goobta joogay iyo kuwa la socday khudbaddiisaba ay sugayeen sida uu uga jawaabo maadaama hadal hayn culus ay dhaliyeen qodobadaas.<\/p>\n<p><strong>Afartaas qodob ayaa kala ah<\/strong>:<\/p>\n<p>1-Muddo kororsiga Hay\u2019adaha kala duwan ee Maamulkiisa maadaama Xukuumaddii Hoggaamiyihii ka horreeyay ee Muuse Biixi Cabdi uu dhaliili jiray kahor inta uusan xukunka la wareegin, dad badan ayaa arrintaas ka sugayay in uu ka hadlo balse wuu ka gaabsaday.<\/p>\n<p>2-Sababta Israa\u2019iil kusoo koobtay Maamulkiisa weliba iyaga uun aad u buunbuuniyaan wadahadalkii horay u dhexmaray isla markaana Xukuumadda Netanyahu ay ka caga-jiidayso fulinta heshiiskaas sababo la xiriira culays caalamka saaray &amp; diidmada lagala hortagay.<\/p>\n<p>3-Safarkii ugu waqtiga dheeraa ee Isutagga Imaaraatka Carabta uu ku tagay kaas oo ku dhawaad 20 cisho uu ku maqnaa waxyaabaha uu daarnaa, Cabdiraxmaan Cirro marnaba soo hadal qaadin uu Dadka la wadaago xogta safarkaas.<\/p>\n<p>4-Culayska gudaha iyo Dibadda ee Maamulkiisa koray tan iyo markii uu ku faraq xirtay Israa\u2019iil oo Dalal badan oo xitaa ay ku jiraan kuwa Yurub ay jareen xiriirka Benjamin Netanyahu maadaama uu caadaystay daadinta dhiigga iyo hurinta Colaadaha.<\/p>\n<p>Albaabka keliya ee Maamulka Cabdiraxmaan Cirro u furan waa Isutagga Imaaraatka Carabta oo qudhiisa ku dhaqaale beelay colaadda Bariga Dhexe, waxaa jira Dalal dhowr ah oo ka gaabsaday in ay xiriir siyaasadeed la samaystaan Maamulkiisa.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin 18 May 2026 {CBB}Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa la sugayay khudbadda uu ka jeediyay munaasabad ka dhacday Magaalada Hargaysa in uu kusoo hadal qaado afar qodob oo hadal hayn culus dhaliyay ayaa ka gaabsaday qodobadaas. Cabdiraxmaan Cirro ayaa u muuqday in uu dhinac isaga riixayo culayskaas maadaama dadka goobta joogay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":11405,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-11404","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11404","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=11404"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11404\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11406,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11404\/revisions\/11406"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/11405"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=11404"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=11404"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=11404"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}