{"id":11445,"date":"2026-05-20T14:15:10","date_gmt":"2026-05-20T14:15:10","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11445"},"modified":"2026-05-20T14:15:10","modified_gmt":"2026-05-20T14:15:10","slug":"illaa-intee-suragal-tahay-inuu-ahmadinejad-la-shaqeeyay-israaiil-iyo-mareykanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11445","title":{"rendered":"Illaa intee suragal tahay inuu Ahmadinejad la shaqeeyay Israa\u2019iil iyo Mareykanka?"},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbacao 20 May 2026 {CBB}<\/strong><strong>\u00a0<\/strong>Maxay ku doorteen si uu xukunka uga beddelo Khameni?\u00a0 Israa\u2019iil ayaa la sheegay inay ku qancisay madaxweynihii hore ee Iiraan, Mahmoud Ahmadinejad inuu xukunka la wareego marka la dilo hoggaamiyaha Iiraan, Ali Khamenei maalmihii u horreeyay ee dagaalka u bilowday, sida lagu soo badhigay warbixin uu maanta baahiyay wargeyska New York Times.<\/p>\n<p>Mareykanka wuxuu u arkayay haddii la doonayo isbeddel xukun inay tahay hoggaanka Iiraan inuu la wareego qof gudaha ku sugan, aragtidan waxaa u dhaqaaqday inay ficil u beddesho Israa\u2019iil, wuxuuna Netanyahu horgeeay Trump inuu helay xiriirka Mahmoud Ahmadinejad, kaasoo muddo dheer xabsi guri ku ah Tehran, isla markaana ka soo horjeeda nidamaka Khamenei, waxaa la sheegay inuu arrintan si weyn ula dhacay Trump uuna oggolaaday in heshiis lala galo Ahmadinejad, si uu u beddelo nidaamka kacaanka.<\/p>\n<p>Wax walba waxaa la sheegay inay is beddeleen markii Israa\u2019iil ay weerartay guriga Mahmoud Ahmadinejad, ee ku yaal Tehran , maalintii koowaad ee dagaalka 28 bishii Febraayo, iyadoo ujeeddada weerarkaa lagu sheegay inuu ahaa si go\u2019doominta iyo xabsi guriga uu ku jiray looga qaaday , waxaa kaloo warka ka yimid dhinaca Mareykanka la sheegay inay Israa\u2019iil beegsatay jidadka guriga Ahmadinejad ku dhawaa ee ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ay kula socon jireen dhaqdhaqaaqiisa, balse si lama filaan ah weerarkaa waxaa ku dhaawacmay Ahmadinejad.<\/p>\n<p>Weerarka ka hor waxaa la sheegay inay Israa\u2019iil siisay hagid Ahmadinejad, oo lagu wargeliyay goobaha la beegsanayo iyo sida ay tahay inuu halkaa uga baxo una hoggaamiyo qorshaha la doonayo nidaam cusub inuu xukunka kala wareego kacaanka, balse Ahmadinejad ayaa ka leexday hagistaa waxaana la sheegay isaga iyo ciidan ilaaladiisa ah inay dhaawaceem, laakiin nolol halkaa uga baxeen, xilligaa ayaana ugu dambeysay Israa\u2019iil iyo Mareykanka inay helaan xiriirka Ahmadinejad oo ay hadda ku eedeynayaan si ku tagal ah inuu u jaray xiriirkii ay la lahaayeen.<\/p>\n<p>Laakiin sidee qof xagjir ay u arkayeen Mareykanka iyo Israa\u2019iil ay u dooran karaan inay kala shaqeeyaan si uu awoodda ula wareego?<br \/>\nHal sabab ayaa jirta magacan loo dooran karo waana inuu jiray khilaaf adag oo muddo dheer u dhexeeya Mahmoud Ahmadinejad iyo nidaamka Iiraan, waxaana khilaafkaa uu si cad bannaanka ugu spo baxay dhammaadkii xukunkiisii labaad, gaar ahaan intii u dhexeysay 2010 ilaa 2013.<\/p>\n<p>Markii hore Ahmadinejad wuxuu ahaa nin si weyn ugu dhow nidaamka Iiraan iyo hoggaamiyaha sare Ali Khamenei. Doorashadiisii 2005 iyo xitaa tii muranka dhalisay ee 2009, waxaa si xooggan u taageeray kooxaha muxaafidka ah iyo ciidamada ilaalada kacaanka.<\/p>\n<p>Laakiin markii dambe waxaa bilaabmay khilaaf qarsoon oo si tartiib tartiib ah u weynaanayay.<\/p>\n<p>Khilaafka ugu weyn wuxuu qarxay 2011 markii Khamenei uu xilka dib ugu celiyay wasiirkii sirdoon oo Ahmadinejad shaqada ka eryay. Ahmadinejad arrintaas aad ayuu uga carooday, wuxuuna muddo ku dhow laba toddobaad ka baaqday inuu xafiiska tago. Taas waxaa Iiraan gudaheeda looga arkay inuu si toos ah uga horyimid awoodda Khamenei.<\/p>\n<p>Ka dib waxaa soo baxay eedeymo badan oo nidaamku u jeediyay Ahmadinejad iyo kooxdiisa. Waxaa lagu eedeeyay, inuu doonayay inuu awood gaar ah sameysto oo uu hareer maray culimada iyo nidaamka diimeed iyo inuu ku tiirsanaa koox siyaasadeed u gaar ah, markaa oo wixii ka dambeeyay uu bilaabay hadallo iyo siyaasad uusan nidaamku raalli ka ahayn.<\/p>\n<p>Qaar ka mid ah dadka ugu dhow Ahmadinejad sida Esfandiar Rahim Mashaei ayaa sidoo kale lagu eedeeyay fikrado qalloocan iyo inay dhaawacayaan mabda\u2019a Jamhuuriyadda Islaamiga ah.<\/p>\n<p>Markii uu xilka ka degay 2013, xiriirka Ahmadinejad iyo nidaamka Iiraam wuu sii xumaaday. Wuxuu bilaabay inuu dhaliilo garsoorka,weeraro madaxda sare,<\/p>\n<p>iyo inuu si cad uga hadlo musuqmaasuq iyo cadaadis gudaha ah Iiraan ay dadku la kulmayaan.<\/p>\n<p>Markii dambe wuxuu isku dayay inuu mar kale isu sharaxo madaxtinimada, laakiin Golaha Ilaalada Dastuurka ayaa ka reebay doorashooyinka. Taasi waxay muujisay in nidaamku uusan mar dambe ku kalsooneyn.<\/p>\n<p>Sidaas darteed, salka khilaafka wuxuu dagaal ku saabsan awoodda, cidda go\u2019aanka ugu dambeeya leh, iyo cabsi laga qabay in Ahmadinejad noqdo shaqsi madax-bannaan oo nidaamka gudaha ka abuuri kara awood cusub.<\/p>\n<p>Jiritaanka arrimahan ayaa laga yaaba inay tahay sababta magaciisa loo doortay in lagu sheego inuu ahaa qofka ay doonayeen Mareykanka iyo Israa\u2019iil inuu xukunka la wareego.<\/p>\n<p>Balse, warbixinta New York Times waxaa ka dhalanaya su\u2019aalo ay ka mid yihiin , sida qof aad uga soo horjeeday nidaamka Israa\u2019iil oo u arko mid aan doonayn jiritaanka Iiraan uu u noqon karaa saaxiib cusub oo kala shaqeeya si ay saameyn ugu yeeshaan gudaha Iiraan oo ay u rogaan dal aan cadow ahayn, taasoo ku dhici karta in hub ku dhigis labu sameeyo Iiraan.<\/p>\n<p>Mahmoud Ahmadinejad, waxaa lagu sheega qof leh aragti qowmi ah oo ka hor imaanaysa danaha Israa\u2019iil, taasoo wax adag ka dhigaysa inuu la shaqeeyo Israa\u2019iil, sidoo kale dadka ku dhow ayaa sheega haddii uu heli lahaa awood madax bannaan inuu soo saari lahaa hubka nukliyeerka Iiraan, waxayna tan dambe dhalinaysa shaki ah in warbixinta hadda la baahiyay ay tahay marin habaabin iyo khilaaf gudaha Iiraan laga dhaliyo.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii, ma cadda haddii warbixintan ka hortagayso Israa\u2019iil in waqtigan nidaamka kacaanka uu la heshiiyo Mahmoud Ahmadinejad, oo ay jirto suragalnimo xukunka uu ugu soo laabanayo, halkaana uu ka dhasho nidaam ka arag midkii horey ay ula dagaalaysay Israa\u2019iil,si taa looga hortagana kala shaki laga dhex abuurayo, maaddaama mar kasta warbaahinta loo arko ilaha ugu muhiim ah ee ujeedooyin sirdoon loo adeegsado.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbacao 20 May 2026 {CBB}\u00a0Maxay ku doorteen si uu xukunka uga beddelo Khameni?\u00a0 Israa\u2019iil ayaa la sheegay inay ku qancisay madaxweynihii hore ee Iiraan, Mahmoud Ahmadinejad inuu xukunka la wareego marka la dilo hoggaamiyaha Iiraan, Ali Khamenei maalmihii u horreeyay ee dagaalka u bilowday, sida lagu soo badhigay warbixin uu maanta baahiyay wargeyska New York [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":11446,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-11445","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11445","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=11445"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11445\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11447,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11445\/revisions\/11447"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/11446"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=11445"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=11445"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=11445"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}