{"id":11467,"date":"2026-05-21T08:50:27","date_gmt":"2026-05-21T08:50:27","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11467"},"modified":"2026-05-21T08:50:27","modified_gmt":"2026-05-21T08:50:27","slug":"dfs-oo-sheegtay-in-marnaba-laga-aqbaleyn-inuu-qudus-ka-furto-safaarad-maamulka-waqooyi-galbeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11467","title":{"rendered":"DFS oo sheegtay in marnaba laga aqbaleyn inuu Qudus ka furto Safaarad Maamulka Waqooyi Galbeed."},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis 20 May 2026 {CBB}<\/strong>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Israa\u2019iil wado qorsheyaal daandaansi ah oo la aqbali karin, iyadoo cambaareysay tillaabada ay wax loogu yeeray Safaarad magaalada Qudus uga furanayaan Maamulka Waqooyi Galbeed Soomaaliya.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay ka go\u2019an tahay markasta sidii ay u ilaalin lahaayeen Midnimada iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cSoomaaliya waxay si adag u cambaareynaysaa tallaabada maamulka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya uu ku sheegay inuu ka furayo waxa loogu yeeray \u201csafaarad\u201d magaalada Qudus, waa go\u2019aan u muuqda daandaansi iyo xad gudub ka dhan ah Madaxbannaanida Soomaaliya\u201d ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Magaalada Qudus oo ah goob taariikh ah oo sal u ah Khilaafka Israa\u2019iil iyo Falastiin ayaa waxaa Safaarado ku leh oo u soo guuray dalalka Maraykanka, Guatemala, Kosovo, Honduras, Paraguay, Papua New Guinea, iyo Fiji.<\/p>\n<p>Donald Trump ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay oo si iskiis ah Israa\u2019iil caasimad ugu aqoonsada magaalada Qudus oo ay markii ugu horreysay dagaal ku qabsadeen 1967.<\/p>\n<p>Dagaalkaasi ka dib, 1980 ayay Israa\u2019iil si rasmi ah dhulkeeda ugu dartay Qudus oo ay deggan yihiin Shacabka reer Falastiin.<\/p>\n<div class=\"addtoany_share_save_container addtoany_content addtoany_content_bottom\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis 20 May 2026 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Israa\u2019iil wado qorsheyaal daandaansi ah oo la aqbali karin, iyadoo cambaareysay tillaabada ay wax loogu yeeray Safaarad magaalada Qudus uga furanayaan Maamulka Waqooyi Galbeed Soomaaliya. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay ka go\u2019an tahay markasta sidii ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":11468,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-11467","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11467","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=11467"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11467\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11469,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11467\/revisions\/11469"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/11468"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=11467"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=11467"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=11467"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}