{"id":11496,"date":"2026-05-22T09:01:05","date_gmt":"2026-05-22T09:01:05","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11496"},"modified":"2026-05-23T09:02:46","modified_gmt":"2026-05-23T09:02:46","slug":"ciidamadii-ka-hortagay-dagaalkii-baydhabo-oo-hal-arin-loo-sameeyay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11496","title":{"rendered":"Ciidamadii ka hortagay Dagaalkii Baydhabo oo Hal Arin loo sameeyay."},"content":{"rendered":"<p><strong>Jimco 22 May 2026 {CBB}<\/strong>Maamulka Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegay in uu qaadayo howlgallo culus oo lagu adkaynayo Amniga Deegaannadaas isla markaana looga hortagayo \u2018AS\u2019 iyo xubno katirsan ciidanka Laftagareen sida hadalka loo dhigay.<\/p>\n<p>Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo la kulmay saraakiil katirsan ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad-Goboleedkaas waxa uu kala hadlay fulinta howlgallo lagu xoojinayo nabadgalyada.<\/p>\n<p>Koofur Galbeed waxa ay dareemaysaa culays ciidan kaddib markii dhowaan la sheegay in duleedka Baydhabo ay dhowr jeer weerarro ka fuliyeen ciidamo katirsan kuwa Maamulkii Magaaladaas laga saaray ee Cabdicasiis Laftagareen.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka iyo Maamulka Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa si wadajir ah u bixiyay amar la xiriira in laga hortago weerarrada ay qaadayaan ciidamadaas sheegay in ay ka amar-qaataan Laftagareen.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jimco 22 May 2026 {CBB}Maamulka Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegay in uu qaadayo howlgallo culus oo lagu adkaynayo Amniga Deegaannadaas isla markaana looga hortagayo \u2018AS\u2019 iyo xubno katirsan ciidanka Laftagareen sida hadalka loo dhigay. Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo la kulmay saraakiil katirsan ciidamada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":11497,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-11496","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11496","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=11496"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11496\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11498,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11496\/revisions\/11498"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/11497"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=11496"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=11496"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=11496"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}