{"id":11547,"date":"2026-05-25T14:21:18","date_gmt":"2026-05-25T14:21:18","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11547"},"modified":"2026-05-26T14:23:18","modified_gmt":"2026-05-26T14:23:18","slug":"somaliland-oo-la-kulantay-culeeys-siyaasadeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11547","title":{"rendered":"Somaliland oo la Kulantay Culeeys Siyaasadeed"},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin 25 May 2026 {CBB}<\/strong>\u00a0 Maamulka Waqooyi Galbeed ee uu hoggaamiyaha u yahay, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa dareemaya culays xooggan oo ka dhashay Tallaabadii uu 18kii Bishaan u qaaday in uu safaarad ka furto Magaalada Qudus ee Israa\u2019iil xoogga ku haysata.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiin katirsan Maamulka Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in culayskaan uu sii xooggaystay kolkii ay si toos ah isugu dhiibeen Israa\u2019iil isla markaana uu maamulkaasi shaaciyay in uu aqoonsaday Xukuumadda Benjamin Netanyahu.<\/p>\n<p>Cabdiraxmaan Cirro ayaa xubno katirsan maamulkiisa u sheegay in uu dareemayo culays dibadda ah iyo mid gudaha ah sidaas awgeed loo baahan yahay tallaabooyin uu isaga muusayo cadaadistaas oo saamayn taban ku reebaya jiritaanka Maamulka Waqooyi Galbeed.<\/p>\n<p>16 Dal oo Waddamada Islaamka ah ayaa si toos ah uga hor yimid tallaabada sharci darrada ah ee Maamulka Cabdiraxmaan Cirro uu Israa\u2019iil ugu xalaalaynayo Dhulka ay ka haysato Shacabka Dulman ee Falastiin, waxaana xigi kara tallaabooyin cusub oo ka dhan ah Waqooyi Galbeed.<\/p>\n<p>Dalal badan oo Yurub ah oo dhowaan dib u celiyay mas\u2019uuliyiin xilal ka haya Israa\u2019iil ayaa qudhooda lagu wadaa in ay meel fog ka istaagaan tallaabooyinka aan ka fiirsiga lahayn ee Cabdiraxmaan Cirro qaadayo si uu u kalsooni geliyo Israa\u2019iil.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin 25 May 2026 {CBB}\u00a0 Maamulka Waqooyi Galbeed ee uu hoggaamiyaha u yahay, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa dareemaya culays xooggan oo ka dhashay Tallaabadii uu 18kii Bishaan u qaaday in uu safaarad ka furto Magaalada Qudus ee Israa\u2019iil xoogga ku haysata. Mas\u2019uuliyiin katirsan Maamulka Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in culayskaan uu sii xooggaystay kolkii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":11548,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-11547","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11547","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=11547"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11547\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11549,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11547\/revisions\/11549"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/11548"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=11547"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=11547"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=11547"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}