{"id":1155,"date":"2024-09-26T09:34:04","date_gmt":"2024-09-26T09:34:04","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=1155"},"modified":"2024-09-26T09:34:04","modified_gmt":"2024-09-26T09:34:04","slug":"howlgal-khasaare-culus-lagu-gaarsiiyay-al-shabaab-oo-ka-dhacay-sh-hoose","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=1155","title":{"rendered":"Howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay SH\/HOOSE"},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis\u00a0 26, Sept 2024 {CBB}<\/strong>Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay\u00a0 kooxda Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Howlgalka oo ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor iyo guutada 14-ka October ee Xoogga dalka ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Jowhar-Awdheegle, halkaas oo ay isku uruursanayeen Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa kooxda ay weerareen, kadibna ay dileen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ku sugna halkaasi.<\/p>\n<p>Howlgal qorsheysan oo si wada jir ah ay u fuliyeen Ururka 175-aad ee guutada 17-aad Gorgor iyo Ururka 146-aad ee guutada 14-ka October oo kawada tirsan Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu khaarijiyay Maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsan oo ay horjoogayaal ku jiraan\u201d ayaa lagu yiri qoraalka.<\/p>\n<p>Xubnaha Al-Shabaab ee la weeraray ayaa goobta uu howlgalka ka dhacay ku lahaa shir, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda, waxaana xog ka helay ciidamada uu sidaas duulaanka ugu qaaday.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis\u00a0 26, Sept 2024 {CBB}Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay\u00a0 kooxda Al-Shabaab. Howlgalka oo ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor iyo guutada 14-ka October ee Xoogga dalka ayaa waxa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":1156,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-1155","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1155","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1155"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1155\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1157,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1155\/revisions\/1157"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1156"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1155"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1155"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1155"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}