{"id":11975,"date":"2026-06-08T09:18:44","date_gmt":"2026-06-08T09:18:44","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11975"},"modified":"2026-06-08T09:18:44","modified_gmt":"2026-06-08T09:18:44","slug":"xoogagga-yemen-oo-ku-dhawaaqay-xayiraad-buuxda-oo-ka-dhan-ah-maraakiibta-israaiil-ee-badda-cas","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=11975","title":{"rendered":"Xoogagga Yemen oo ku dhawaaqay xayiraad buuxda oo ka dhan ah maraakiibta Israa\u2019iil ee Badda Cas"},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin 8, June 2026 {CBB}<\/strong>Xoogagga Hubeysan ee Yemen ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin militari oo ka dhan ah Israel, iyagoo ku dhawaaqay weeraro gantaallo ah iyo xayiraad dhinaca badda ah oo ka dhan ah maraakiibta Israa\u2019iil.<\/p>\n<p>Bayaan kasoo baxay ciidamada Yemen ayaa lagu sheegay in ay gantaallo ku weerareen bartilmaameedyo \u201cxasaasi ah\u201d oo ku yaalla gobolka Yaffa ee dhulka ay Israa\u2019iil maamusho, iyagoo sheegay in weerarradaasi ay si sax ah u gaareen ujeeddooyinkoodii.<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><ins class=\"adsbygoogle\" data-ad-client=\"ca-pub-8756589205009556\" data-ad-slot=\"1002323234\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_11_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Sidoo kale, ciidamada Yemen ayaa ku dhawaaqay \u201cxayiraad buuxda\u201d oo ku saabsan maraakiibta Israa\u2019iil ee maraya Badda Cas, iyagoo sheegay in dhaqdhaqaaq kasta oo ay sameeyaan maraakiibta cadowga loo aqoonsan doono bartilmaameed militari oo sharci ah.<\/p>\n<p>Waxay sidoo kale sheegeen inay ka jawaabi doonaan \u201ckororka colaadda\u201d iyagoo sii xoojin doona howlgalladooda militari, ayna arrintaasi ku xiran tahay xaaladaha dagaalka iyo waxa ay ugu yeereen \u201cIsbahaysiga Muqaawamada.\u201d<\/p>\n<p>Bayaan-ka ayaa lagu taageeray waxa ay ku tilmaameen la dagaallanka duullaanka Mareykanka iyo Israa\u2019iil ee ka dhanka ah Iran, Falastiin, Lubnaan, Ciraaq iyo Yemen.<\/p>\n<p>Ciidamada Yemen ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinkooda ay qeyb ka yihiin diidmada mashruuca loo yaqaan \u201cGreater Israel\u201d iyo dadaallada lagu jebinayo go\u2019doominta saaran shacabka Gaza, Lubnaan iyo Iran.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin 8, June 2026 {CBB}Xoogagga Hubeysan ee Yemen ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin militari oo ka dhan ah Israel, iyagoo ku dhawaaqay weeraro gantaallo ah iyo xayiraad dhinaca badda ah oo ka dhan ah maraakiibta Israa\u2019iil. Bayaan kasoo baxay ciidamada Yemen ayaa lagu sheegay in ay gantaallo ku weerareen bartilmaameedyo \u201cxasaasi ah\u201d oo ku yaalla [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":11976,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-11975","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11975","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=11975"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11975\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11977,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11975\/revisions\/11977"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/11976"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=11975"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=11975"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=11975"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}