{"id":12137,"date":"2026-06-13T08:27:43","date_gmt":"2026-06-13T08:27:43","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12137"},"modified":"2026-06-14T08:28:35","modified_gmt":"2026-06-14T08:28:35","slug":"wasiir-fiqi-oo-difaacay-garsoore-cumar-cartan-kaddib-eedeytii-maraykanku-u-jeediyay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12137","title":{"rendered":"Wasiir Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeytii Maraykanku u Jeediyay."},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabti 13 June 2026 {CBB}<\/strong><strong>\u00a0<\/strong>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u difaacday garsooraha Soomaaliyeed ee<br \/>\nCumar Cartan, kaddib eedeymo la xiriira argagixiso oo ay soo jeediyeen mas\u2019uuliyiin Maraykan ah, iyadoo ku adkaysatay inuusan wax xiriir ah la lahayn kooxaha xagjirka ah.<\/p>\n<p>Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si cad u<br \/>\nxaqiijinayso in Cumar Cartan aanu ku lug lahayn Al-Shabaab ama koox kale oo argagixiso.<\/p>\n<p>\u201cDowladda Soomaaliya waxay caddeynaysaa in aanu Cumar Cartan wax shaqo ah ku lahayn argagixisada.<\/p>\n<p>Dowladda Maraykanka iyadaa ceeb isu filan in qof safaaraddeedu dal-ku-gal siisay haddana lagu eedeeyo argagixiso oo dib loo<br \/>\nsoo celiyo,\u201d ayuu yiri wasiir Fiqi.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa mar kale ku celiyay in dowladda Federaalka aysan hayn wax caddeyn ah oo muujinaysa in Cumar<br \/>\nCartan uu xiriir la leeyahay kooxaha xagjirka ah, isagoo xusay in arrintan ay tahay kiis gaar ah oo aan wax saameyn<br \/>\nah ku yeelan doonin xiriirka labada dal.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan markale xaqiijinaynaa in Cumar Cartan aanu wax lug ah ku lahayn kooxaha argagixisada. Tani waa arrin<br \/>\ngooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka,\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>Fiqi ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay qiimeyn weyn u hayso taageerada uu Maraykanku siiyo<br \/>\ndalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada iyo horumarinta hay\u2019adaha dowladda.<\/p>\n<p>\u201cMaraykanku waa dal weyn oo Soomaaliya garab taagan, door muhiim ahna ka qaata taageerada ciidamada iyo<br \/>\nhorumarka dalka. Xiriirka labada dal waa mid wanaagsan, mana jirto arrin gaar ah oo dhaawici karta iskaashiga soo<br \/>\njireenka ah,\u201d ayuu hadalkiisa sii raaciyay.<\/p>\n<p>Hadallada wasiirka ayaa imanaya xilli dood iyo hadal-heyn xooggan ay ka dhalatay xaaladda Cumar Cartan, iyadoo<br \/>\nDowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkaysanayso in eedeymaha loo jeediyay aysan sal iyo raad ku lahayn xaqiiqada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabti 13 June 2026 {CBB}\u00a0Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u difaacday garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cartan, kaddib eedeymo la xiriira argagixiso oo ay soo jeediyeen mas\u2019uuliyiin Maraykan ah, iyadoo ku adkaysatay inuusan wax xiriir ah la lahayn kooxaha xagjirka ah. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si cad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":12138,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-12137","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12137","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=12137"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12137\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":12139,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12137\/revisions\/12139"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/12138"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=12137"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=12137"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=12137"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}