{"id":12164,"date":"2026-06-15T16:37:35","date_gmt":"2026-06-15T16:37:35","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12164"},"modified":"2026-06-15T16:37:35","modified_gmt":"2026-06-15T16:37:35","slug":"saraakiisha-laamaha-amniga-baydhabo-ayaa-yeeshay-kulan-looga-hadlay-amniga-magaalada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12164","title":{"rendered":"\u201cSaraakiisha laamaha amniga Baydhabo ayaa yeeshay kulan looga hadlay amniga magaalada.\u201d"},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin 15 june 2026 {CBB}<\/strong>Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneel Isaaq Ibraahim Bardaale, ayaa maanta shir guddoomiyey Shirka Amniga Magaalada Baydhabo, kaas oo ay ka qeyb galeen saraakiisha kala duwan ee laamaha amniga.<\/p>\n<p>Intii uu shirku socday, Taliyaha ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhageystay saraakiisha amniga, kuwaas oo soo bandhigay xaaladda amniga, qorsheyaasha lagu sugayo nabadgelyada magaalada, dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta iyo xoojinta wada shaqeynta hay\u2019adaha amniga.<\/p>\n<p>Korneel Isaaq Bardaale ayaa ku adkeeyey masuuliyiinta iyo saraakiisha amniga muhiimadda ay leedahay in si mideysan looga shaqeeyo sugidda amniga, xakamaynta ciidamada hubeysan ee aan shaqo rasmi ah ka haynin gudaha magaalada, kor u qaadidda kalsoonida shacabka iyo taageerada ay bulshada u hayaan hay\u2019adaha dowladda.<\/p>\n<p>Taliyaha Qeybta 60-aad ayaa sidoo kale faray dhammaan saraakiisha iyo ciidamada inay si buuxda u dhaqan-geliyaan awaamiirtii hore ee la xiriirtay amniga iyo anshaxa ciidamada.<br \/>\nAwaamiirta uu Taliyuhu adkeeyey waxaa kamid ahaa:<\/p>\n<p>In saraakiisha iyo askarta Ciidanka Xoogga Dalka aysan ku milmin ama ka qeyb qaadan arrimo siyaasadeed.<br \/>\nIn xubin kasta oo ka tirsan ciidanka uu ku laabto cutubkiisa iyo goobtiisa shaqo.<br \/>\nIn si adag loo mamnuuco ridista rasaasta macna-darrada ah ee lagu dhibaateeyo shacabka.<\/p>\n<p>In aan la isku wadan dhar shacab iyo hub ciidan, iyadoo cid kasta oo lagu arko falkaasi laga qaadi doono tallaabo sharci ah.<br \/>\nIn ciidamada kala duwan ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka XDS ayaa sheegay in sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka ay tahay waajib qaran oo saaran dhammaan ciidamada, isaga oo ku baaqay in la labanlaabo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin 15 june 2026 {CBB}Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneel Isaaq Ibraahim Bardaale, ayaa maanta shir guddoomiyey Shirka Amniga Magaalada Baydhabo, kaas oo ay ka qeyb galeen saraakiisha kala duwan ee laamaha amniga. Intii uu shirku socday, Taliyaha ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhageystay saraakiisha amniga, kuwaas oo soo bandhigay xaaladda amniga, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":12165,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-12164","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12164","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=12164"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12164\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":12166,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12164\/revisions\/12166"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/12165"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=12164"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=12164"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=12164"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}