{"id":12259,"date":"2026-06-20T12:52:41","date_gmt":"2026-06-20T12:52:41","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12259"},"modified":"2026-06-20T12:52:41","modified_gmt":"2026-06-20T12:52:41","slug":"qoorqoor-iyo-mahad-salaad-kulamo-xasaasi-ah-ayaa-ugu-socda-dhuusamareeb","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12259","title":{"rendered":"QoorQoor iyo Mahad Salaad Kulamo xasaasi ah ayaa ugu socda Dhuusamareeb"},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabti 20, June 2026 {CBB}<\/strong>Kulamo xasaasi ah ayaa magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), iyo Agaasimaha Hay\u2019adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in wada-hadalladu sii socdaan maalinta berri ah.<\/p>\n<div class=\"td_block_wrap tdb_single_content tdi_53 td-pb-border-top td_block_template_1 td-post-content tagdiv-type\" data-td-block-uid=\"tdi_53\">\n<div class=\"tdb-block-inner td-fix-index\">\n<p>Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulamada looga hadlay arrimo siyaasadeed iyo kuwo amni oo la xiriira xaaladda dalka, gaar ahaan isfaham darrada u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><\/div>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><\/div>\n<p>Safarka Mahad Salaad ee Dhuusamareeb ayaa lagu tilmaamay mid gogol xaar u ah socdaalka Ra\u2019iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kaas oo la filayo inuu halkaasi tago si uu qeyb uga noqdo dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro khilaafaadka jira.<\/p>\n<p>Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne QoorQoor uu ku adkeysanayo inuu ka qeyb galo tartanka siyaasadeed ee Galmudug, islamarkaana haddii aan loo oggolaan inuu ku tartamo Xisbiga JSP, uu diyaar u yahay inuu xisbi kale ku galo loollanka.<\/p>\n<p>Arrintan ayaa la sheegay inay walaac ku abuurtay Villa Soomaaliya, oo doonaysa hannaan siyaasadeed oo ay si dhow ula jaanqaadayaan qorshayaasheeda doorasho.<\/p>\n<p>Kulamadan ayaa imanaya xilli dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo xooggan ay ka socdaan Galmudug, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara jihada siyaasadda dalka iyo doorashooyinka soo socda.<\/p>\n<div class=\"addtoany_share_save_container addtoany_content addtoany_content_bottom\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"tdb-author-box td_block_wrap tdb_single_author_box tdi_56 tdb-content-vert-top td-pb-border-top td_block_template_1\" data-td-block-uid=\"tdi_56\">\n<div class=\"tdb-block-inner td-fix-index\">\n<div class=\"tdb-author-info\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabti 20, June 2026 {CBB}Kulamo xasaasi ah ayaa magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), iyo Agaasimaha Hay\u2019adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in wada-hadalladu sii socdaan maalinta berri ah. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulamada looga hadlay arrimo siyaasadeed iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":12260,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-12259","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12259","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=12259"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12259\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":12262,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12259\/revisions\/12262"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/12260"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=12259"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=12259"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=12259"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}