{"id":12439,"date":"2026-06-26T14:09:10","date_gmt":"2026-06-26T14:09:10","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12439"},"modified":"2026-06-26T14:09:10","modified_gmt":"2026-06-26T14:09:10","slug":"raiisul-wasaare-xamse-oo-magaalada-dhuusamareeb-uga-qeyb-galay-xuska-2026-june","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12439","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Xamse oo Magaalada Dhuusamareeb uga qeyb galay Xuska 2026 June."},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis 25, June2026{CBB}<\/strong>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda 26-ka Juun ee sannad-guurada 66-aad u direy shacab weynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 26-ka Juun ay tahay maalin ku weyn taariikhda Soomaaliyeed, maadaama ay astaan u tahay halgankii dheeraa ee loo maray gobanimada, midnimada, iyo xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ahayd in ay yeeshaan dowlad xor ah oo madax-bannaan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa, ayaa xusay in geesiyaashii naftooda u huray xorriyadda dalka ay waajib ku tahay jiilasha maanta ilaalinta halgankii ay u dhinteen oo ahaa Soomaaliya mid ah wadajirta iyo in la xoojiyo nabadda, horumarka iyo xasilloonmida dalkeenna.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>\u201cCaawa oo kale waa habeen qiimo gaar ah ku leh xasuusta shacabka Soomaaliyeed, waanna habeen aynu ku xasuusanno geesiyaashii iyo halgamayaashii naftooda u huray sidii ay ummaddeennu u heli lahayd xorriyad iyo karaamo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Waxa ina saaran masuuliyad ah in aynu ilaalinno midnimada, wadajirka iyo dowladnimada dalkeenna, si joolasha soo socda ay ugu noolaadaan Soomaaliya nabdoon, horumarsan oo ka hanaqaadda himilooyinkii ay u soo halgameen aabbayaasheen iyo hooyooyinkeen\u201d. Ayuu yiri Ra;iisul Wasaare Xamsa Cabdi Baare.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay adkeeyaan wadajirka Qaranka, difaaca madax-bannaanida dalka iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo Soomaaliya nabdoon, xasilloon oo horumarsan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ugu dambaym, Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa, ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, hoggaamintiisii wanaagsanayd, isaga oo ku bogaadiyey doorkiisa ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka qof iyo codka ah ee dhowaan ka qabsoomi doonta dowlad-goboleedka Galmudug.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Munaasabadda kadib, Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee u xil-saaran maamuuska Calanka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis 25, June2026{CBB}Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda 26-ka Juun ee sannad-guurada 66-aad u direy shacab weynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. &nbsp; Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 26-ka Juun ay tahay maalin ku weyn taariikhda Soomaaliyeed, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":12440,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-12439","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12439","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=12439"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12439\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":12441,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12439\/revisions\/12441"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/12440"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=12439"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=12439"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=12439"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}