{"id":12476,"date":"2026-06-27T14:27:25","date_gmt":"2026-06-27T14:27:25","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12476"},"modified":"2026-06-27T14:27:25","modified_gmt":"2026-06-27T14:27:25","slug":"dfs-oo-sheegtay-in-duqeymo-lagu-dilay-xubno-ka-tirsanaa-al-shabaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12476","title":{"rendered":"DFS oo Sheegtay in Duqeymo lagu dilay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab"},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabati June 27, 2026 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay maalmihii la soo dhaafay fuliyeen duqeymo is xigxigay oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayd deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p><strong>Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay dowladda, howlgalada cirka ayaa ka dhacay deegaannada Gayfo, Ruun Idiris iyo Cali Gaduud, halkaas oo Al-Shabaab ay u adeegsan jirtay abaabulka dagaalyahannada, tababarrada iyo kaydinta hubka, rasaasta iyo saanadda ciidan.<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p><strong>Dowladdu waxay sheegtay in duqeyntii ugu horreysay la fuliyay 24-kii Juun, iyadoo lagu burburiyay xarun abaabul oo Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Gayfo, laguna bartilmaameedsaday maleeshiyaadkii iyo hubkii yaallay goobta.<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p><strong>Sidoo kale, 25-kii Juun ayaa la sheegay in saddex duqeyn oo xiriir ah lagu qaaday xarun tababar oo kooxda ku lahayd deegaanka Ruun Idiris, halkaas oo lagu diyaarin jiray dagaalyahannada.<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p><strong>Duqeyn kale oo isla maalintaas ka dhacday deegaanka Cali Gaduud ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad hubeysan oo, sida dowladda sheegtay, isu diyaarinayay fulinta weerarro iyo falal argagixiso.<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p><strong>War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in guud ahaan howlgaladan lagu dilay ku dhowaad 30 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana lagu burburiyay laba gaari, saddex mooto, hub, rasaas iyo saanad ciidan.<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p><strong>Dowladdu waxay xustay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab laguna burburinayo xarumaha ay kooxda ka qorsheyso weerarrada ay ka geysato gudaha dalka.<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabati June 27, 2026 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay maalmihii la soo dhaafay fuliyeen duqeymo is xigxigay oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayd deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. \u00a0 Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay dowladda, howlgalada cirka ayaa ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":12477,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-12476","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12476","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=12476"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12476\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":12479,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12476\/revisions\/12479"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/12477"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=12476"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=12476"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=12476"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}