{"id":12527,"date":"2026-06-28T08:12:06","date_gmt":"2026-06-28T08:12:06","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12527"},"modified":"2026-06-28T08:12:06","modified_gmt":"2026-06-28T08:12:06","slug":"madaxweyneyaasha-soomaaliya-iyo-jabuuti-oo-ka-wadahadlay-xaalada-gobolka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12527","title":{"rendered":"Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wadahadlay xaalada Gobolka."},"content":{"rendered":"<p><strong>\u00a0Axad June 28, 2026 {CBB}<\/strong>Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha Djibouti, Isma\u00efl Cumar Geelle.<\/p>\n<p>Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii ballaarinta wada shaqeynta dhinacyada ay labada dal wadaagaan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Intii uu kulanku socday, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale hambalyo u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka reer Jabuuti munaasabadda xuska sannad-guurada maalinta xorriyadda dalka Jabuuti, isagoo u rajeeyay horumar, nabad iyo barwaaqo.<\/p>\n<p>Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan uu madaxweynaha tagay dalka Kenya, isagoo la kulmay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, waxayna ka wadahadleen xaalada Soomaaliya.<\/p>\n<p>Madaxda Gobolka ayaa dadaal badan ku bixinaya siddii xal looga gaari lahaa muranka ka taagan doorashada Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u00a0Axad June 28, 2026 {CBB}Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha Djibouti, Isma\u00efl Cumar Geelle. Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii ballaarinta wada shaqeynta dhinacyada ay labada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":12528,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-12527","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12527","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=12527"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12527\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":12530,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12527\/revisions\/12530"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/12528"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=12527"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=12527"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=12527"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}