{"id":12572,"date":"2026-06-28T13:19:15","date_gmt":"2026-06-28T13:19:15","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12572"},"modified":"2026-06-28T13:19:15","modified_gmt":"2026-06-28T13:19:15","slug":"sawiro-guddoomiye-ku-xigeennada-degmada-baydhabo-oo-kormeer-shaqo-ku-tegay-xaaladda-xafaadda-towfiiq","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12572","title":{"rendered":"SAWIRO;-GUDDOOMIYE KU-XIGEENNADA DEGMADA BAYDHABO OO KORMEER SHAQO KU TEGAY XAALADDA XAFAADDA TOWFIIQ"},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad June 28, 2026 {CBB}<\/strong><strong>Baydhabo, 28 Juun 2026:<\/strong> Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka Degmada Baydhabo ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Maamulka Xaafadda Towfiiq, si ay ugu kuurgalaan habsami u socodka howlaha maamulka iyo adeegyada bulshada ee xaafadda.<\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\">Kormeerkan ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Arrimaha Siyaasadda, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo iyo Guddoomiyaha Haweenka Degmada Baydhabo.<\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\">Mas\u2019uuliyiinta ayaa kulan la yeeshay maamulka xaafadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda guud ee xaafadda, baahiyaha mudnaanta leh iyo fursadaha lagu xoojin karo wada shaqeynta ka dhexeysa maamulka iyo shacabka.<\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\">Intii uu socday kulanka, masuuliyiintu waxay bulshada ku boorriyeen muhiimadda ay leedahay ka qeyb qaadashada sugidda amniga, ilaalinta nadaafadda deegaanka iyo kor u qaadista iskaashiga bulshada, si loo dardargeliyo horumarinta adeegyada aas-aasiga ah ee degmada.<\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\">Guddoomiye Ku-xigeennada ayaa xusay in maamulka Degmada Baydhabo uu ka go\u2019an yahay xoojinta adeegyada bulshada iyo joogteynta kormeerada lagu qiimeynayo waxqabadka xaafadaha, si loo hubiyo in shacabka ay helaan adeegyo tayo leh.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, mas\u2019uuliyiintu waxay shacabka Xaafadda Towfiiq ugu baaqeen inay sii laba jibaaraan doorkooda ku aaddan sugidda nabadgelyada, ilaalinta bilicda deegaanka iyo taageeridda dadaallada maamulka degmada ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad June 28, 2026 {CBB}Baydhabo, 28 Juun 2026: Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka Degmada Baydhabo ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Maamulka Xaafadda Towfiiq, si ay ugu kuurgalaan habsami u socodka howlaha maamulka iyo adeegyada bulshada ee xaafadda. Kormeerkan ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Arrimaha Siyaasadda, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Dowladda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":12588,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-12572","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12572","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=12572"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12572\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":12590,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12572\/revisions\/12590"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/12588"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=12572"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=12572"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=12572"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}