{"id":12628,"date":"2026-06-29T12:26:30","date_gmt":"2026-06-29T12:26:30","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12628"},"modified":"2026-06-29T12:26:30","modified_gmt":"2026-06-29T12:26:30","slug":"dowladda-kenya-oo-faahfaahin-ka-bixisay-sababta-loo-masaafuriyay-rw-ku-xigeenka-soomaaliya-jibriil-cabdirashiid","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12628","title":{"rendered":"Dowladda Kenya oo Faahfaahin Ka Bixisay Sababta Loo Masaafuriyay RW Ku-xigeenka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid"},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin 29,June 2026 {CBB}<\/strong>Hay\u2019adaha ammaanka Kenya ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha loo masaafuriyay Ra\u2019iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid, oo sidoo kale hore u soo noqday Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.<\/p>\n<p>Sida lagu sheegay warbixinta, dowladda Kenya ayaa ku eedeysay Jibriil inuu haystay dukumiintiyo Kenyan ah oo si sharci darro ah lagu helay.<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><\/div>\n<p>Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Jibriil lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa qorshe lagu qalqal gelinayo amniga magaalooyin ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.<\/p>\n<p>Waxaa lagu eedeeyay inuu hub diyaarad ku geeyay mid ka mid ah magaalooyinka ku dhow xadka, isagoo la sheegay inuu ka sii amba-baxay Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) si hub loogu qaybiyo maleeshiyaad beeleed, taas oo Kenya ku tilmaantay khatar amni.<\/p>\n<p>Sidoo kale, warbixintu waxay ku xirtay Jibriil iska horimaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Baydhabo, kuwaas oo sababay dhimashada dad rayid ah iyo barakaca boqolaal qoys.<\/p>\n<p>Hay\u2019adaha Kenya waxay intaas ku dareen in dadaallo ay sameeyeen siyaasiyiin Kenyan ah oo lagu doonayay in arrintan lagu xalliyo ay fashilmeen.<\/p>\n<p>Waxa kale oo ay sheegeen in Jibriil uu dib u cusbooneysiistay baasaboorkiisa, iyadoo la sheegay in sawirrada dukumiintigaas la baahin doono.<\/p>\n<p>Eedeymahan ayaa ah kuwo ay soo bandhigeen hay\u2019adaha ammaanka Kenya, mana jiro illaa hadda wax jawaab rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama Ra\u2019iisul Wasaare Ku-xigeenka Jibriil Cabdirashiid.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin 29,June 2026 {CBB}Hay\u2019adaha ammaanka Kenya ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha loo masaafuriyay Ra\u2019iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid, oo sidoo kale hore u soo noqday Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Sida lagu sheegay warbixinta, dowladda Kenya ayaa ku eedeysay Jibriil inuu haystay dukumiintiyo Kenyan ah oo si sharci darro ah lagu helay. Warbixintu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":12629,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-12628","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12628","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=12628"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12628\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":12630,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12628\/revisions\/12630"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/12629"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=12628"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=12628"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=12628"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}