{"id":12640,"date":"2026-06-30T09:28:59","date_gmt":"2026-06-30T09:28:59","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12640"},"modified":"2026-07-01T09:30:27","modified_gmt":"2026-07-01T09:30:27","slug":"erdoganmuqdisho-iyo-dalal-kale-oo-muslim-ah-waxay-rajo-ka-qabaan-turkiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12640","title":{"rendered":"Erdogan\u201cMuqdisho iyo Dalal Kale oo Muslim ah Waxay rajo ka qabaan Turkiga\u201d"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado 30,June 2026 {CBB}<\/strong>Madaxweynaha Turkiga Rajep Dayib Erdo\u011fan, ayaa sheegay in Turkigu yahay rajada ay ka war sugayaan dalal badan oo Muslim ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in doorka dalkiisa uu si isa soo taraysa uga muuqanayo arrimaha amniga, horumarka iyo gargaarka caalamiga ah.<\/p>\n<p>Erdo\u011fan oo khudbad u jeedinayay xubnaha xisbigiisa AK Party, ayaa sheegay in xisbiga iyo dowladda Turkigu aysan rajo u ahayn oo keliya shacabka Turkiga, balse sidoo kale ay rajo u yihiin dunida Islaamka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>\u201cHa niyad jabina. Waxaad tihiin rajada keliya ee Qasa, Dimishiq, Xalab, Muqdisho, Khartuum, Bayruud, Tripoli, Shaam iyo Lubnaan,\u201d ayuu yiri Erdo\u011fan.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in magaalooyin iyo dalal kale sida Nicosia, Baku, Sarajevo, Skopje, Prizren, Baqdaad iyo Basra ay si dhow ula socdaan doorka Turkiga, isagoo ku boorriyey xubnaha xisbigiisa inay sii wadaan dadaalladooda.<\/p>\n<p>Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si weyn u soo xoogaystay tan iyo booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Erdo\u011fan uu ku tagay Muqdisho sannadkii 2011, xilli ay Soomaaliya wajahaysay abaar iyo amni darro.<\/p>\n<p>Tan iyo xilligaas, Turkigu wuxuu noqday mid ka mid ah saaxiibbada ugu dhow ee Soomaaliya, isagoo ka hirgeliyay mashaariic waaweyn oo dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo gargaarka bani\u2019aadannimo.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado 30,June 2026 {CBB}Madaxweynaha Turkiga Rajep Dayib Erdo\u011fan, ayaa sheegay in Turkigu yahay rajada ay ka war sugayaan dalal badan oo Muslim ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in doorka dalkiisa uu si isa soo taraysa uga muuqanayo arrimaha amniga, horumarka iyo gargaarka caalamiga ah. Erdo\u011fan oo khudbad u jeedinayay xubnaha xisbigiisa AK Party, ayaa sheegay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":12641,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-12640","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12640","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=12640"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12640\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":12642,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12640\/revisions\/12642"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/12641"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=12640"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=12640"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=12640"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}