{"id":12706,"date":"2026-07-05T11:48:54","date_gmt":"2026-07-05T11:48:54","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12706"},"modified":"2026-07-05T11:50:09","modified_gmt":"2026-07-05T11:50:09","slug":"ciidamada-asluubta-oo-baydhabo-ku-soo-bandhigay-diyaar-garowgooda-ugu-dambeeya-ee-sugidda-amniga-caleema-saarka-hoggaamiyaha-dkgs","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12706","title":{"rendered":"Ciidamada asluubta oo baydhabo ku soo bandhigay diyaar-garowgooda ugu dambeeya ee sugidda amniga caleema-saarka hoggaamiyaha dkgs"},"content":{"rendered":"<p class=\"isSelectedEnd\"><strong>\u00a0Axad 05, Luulyo, 2026 {CBB}<\/strong>Baydhabo: Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta wadooyinka magaalada Baydhabo ku soo bandhigay diyaar-garowgoodii ugu dambeeyay ee sugidda amniga munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.<\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\">Bandhiggan oo qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo amniga munaasabadda ayaa muujinayay heeganka iyo u diyaar-garowga ciidamada, iyadoo shacabka magaalada Baydhabo ay si weyn u soo dhaweeyeen ciidamadii marayay wadooyinka magaalada.<\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\">Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan marti-gelinaysa wafdiyo kala duwan oo ka imanaya gudaha iyo dibadda dalka kuwaas oo ka qeyb geli doona munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.<\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\">Mas\u2019uuliyiinta amniga ayaa sheegay in dhammaan hay\u2019adaha amniga ay ku jiraan heegan buuxa si loo xaqiijiyo amniga guud ee magaalada iyo habsami u socodka munaasabadda, iyadoo diyaar-garowga caleema-saarku uu marayo heer gabagabo ah.<\/p>\n<p>Shacabka reer Baydhabo ayaa dhankooda muujiyay taageerada ay u hayaan dadaallada lagu sugayo amniga, iyagoo soo dhaweeyay doorka ciidamada ee xaqiijinta nabadgelyada iyo xasilloonida magaalada inta lagu guda jiro munaasabadda.<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" title=\"Ciidamada Asluubta oo Baydhabo ku soo bandhigay diyaar-garowga amniga munaasabadda caleema-saarka\" width=\"640\" height=\"360\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/CJrL-bDjPgc?feature=oembed\" frameborder=\"0\" allow=\"accelerometer; autoplay; clipboard-write; encrypted-media; gyroscope; picture-in-picture; web-share\" referrerpolicy=\"strict-origin-when-cross-origin\" allowfullscreen><\/iframe><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u00a0Axad 05, Luulyo, 2026 {CBB}Baydhabo: Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta wadooyinka magaalada Baydhabo ku soo bandhigay diyaar-garowgoodii ugu dambeeyay ee sugidda amniga munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya. Bandhiggan oo qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo amniga munaasabadda ayaa muujinayay heeganka iyo u diyaar-garowga ciidamada, iyadoo shacabka magaalada Baydhabo ay si weyn u soo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":12707,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-12706","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12706","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=12706"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12706\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":12709,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12706\/revisions\/12709"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/12707"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=12706"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=12706"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=12706"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}