{"id":12858,"date":"2026-07-09T14:03:51","date_gmt":"2026-07-09T14:03:51","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12858"},"modified":"2026-07-09T14:03:51","modified_gmt":"2026-07-09T14:03:51","slug":"golaha-wasiirrada-ayaa-maanta-yeeshay-kulankoodii-toddobaadlaha-ahaa-2","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12858","title":{"rendered":"Golaha Wasiirrada ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa."},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamis\u00a0 9, July 2026 {CBB}<\/strong>Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta khatarta roobabka Super El Ni\u00f1o oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.<\/p>\n<p>Warbixinta ayaa tilmaantay in Soomaaliya ay wajahayso fatahaado, daadad degdeg ah iyo barakac, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara beeraha, xoolaha, wax soo saarka iyo amniga cunnada dalkeenna.<\/p>\n<p>Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay qorshe qaran oo lagu xoojinayo u diyaargarowga, tallaabooyinka ka hortagga iyo iskaashiga hey\u2019adaha dowladda, si looga jawaabo, loona yareeyo saameynta El Ni\u00f1o, iyada oo ahmiyadda la saarayo ilaalinta nolosha shacabka, beeraha iyo sugnaanta cuntada dalka.<\/p>\n<p>Shirka, oo uu guddoominayey Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey:<\/p>\n<p>Habraaca Isku-xirka Farriimaha Dowladda ee xilliyada xaaladaha deg-degga ah ee la xiriira falalka argagixisada.<\/p>\n<p>Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkmenistan, kaas oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed.<\/p>\n<p>Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Hindiya, kaas oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed.<\/p>\n<p>Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada gaadiidka badda iyo dekedaha.<\/p>\n<div class=\"addtoany_share_save_container addtoany_content addtoany_content_bottom\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamis\u00a0 9, July 2026 {CBB}Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta khatarta roobabka Super El Ni\u00f1o oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka. Warbixinta ayaa tilmaantay in Soomaaliya ay wajahayso fatahaado, daadad degdeg ah iyo barakac, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara beeraha, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":12859,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-12858","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12858","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=12858"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12858\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":12860,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12858\/revisions\/12860"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/12859"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=12858"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=12858"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=12858"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}