{"id":12954,"date":"2026-07-12T12:50:16","date_gmt":"2026-07-12T12:50:16","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12954"},"modified":"2026-07-12T12:50:16","modified_gmt":"2026-07-12T12:50:16","slug":"amiirkii-hore-ee-qatar-ee-afgambiga-xilka-uga-qaatay-aabihiis-oo-geeriyooday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12954","title":{"rendered":"Amiirkii hore ee Qatar ee Afgambiga xilka uga qaatay Aabihiis oo geeriyooday"},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad 12 July 2026 {CBB}<\/strong>Waxaa geeriyooday Amiirkii hore ee dalka Qatar ahna Aabbaha Amiirka dalkaas Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani isaga oo jiray 74 sano, ehelkiisa ayaa xaqiijiyay geeridiisa waxaana Dalkaas carbeed uu galay xaalad Tacsi ah.<\/p>\n<p>Sheekh Hamad ayaa Qatar xukumayay intii u dhexeysay 1995 ilaa 2013, wuxuu ahaa hoggaamiyihii ugu weynaa ee hindisay isla markaana horseeday himilooyinka waaweyn ee dalkaas, isaga oo markii dambe xilka ku wareejiyay Wiilkiisa Tamim bin Hamad Al Thani.<\/p>\n<p>Yaraantiisii waxaa geeriyootay Hooyadiis, waxaana soo koriyay adeerkiisa sida ku xusan barta Wikipedia ee lagu kaydiyay diiwaankiisa taariikhda, Waxbarashada waxa uu kusoo qaatay Boqortooyada Ingiriiska.<\/p>\n<p>Sannadkii 1971dii waxa uu Hamad ka qallin jabiyay Akadeemiyada Ciidanka ee Boqortooyada Ingiriiska, waxaa loo magacaabay in uu noqdo taliye katirsan Ciidamada Qalabka sida dalkaas, dhowr bil kaddib ayuu dib ugu laabtay dalkiisa.<\/p>\n<p>Markii dambe waxaa laga dhigay taliyihii guutada gaarka ah ee loogu magac daray, sannadkii 1972dii waa sannad kaddib qallinjabintiisii uu ku helay Gaashaanle Dhexe waxa uu usii dallacay Janaraal isaga oo noqday taliyaha guud ee Ciidanka.<\/p>\n<p>1977dii waxaa loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga Qatar, isla sannadkaan waxaa u suuragashay in loo magacaabo Dhaxal-Sugaha Qatar waxaana uu xilkaas hayay ilaa 1995, markaas waxa uu noqday Amiirka guud ee Dalkaas.<\/p>\n<p>Billowgii 1980 meeyadii uu noqday hoggaamiyaha Golaha Sare ee Qorshaynta oo dajiyay dajiyay Siyaasadaha aasaasiga ah ee dhaqaalaha iyo bulshada Qatar, waana meesha loo arko in uu dalkiisa uga tagay siyaasad cad oo aan doorsoomin tan iyo xiligaas.<\/p>\n<p>1992dii ayaa si tartiib-tartiib ah xilka waxaa ugu wareejiyay aabihiis, meelaha maalinba dhinac loogu wareejiayy waaa kamid ah horumarinta khayraatka Shidaalka &amp; Gaaska Dabiiciga ah ee Qatar, markii dambe waxa uu si dhammaystiran ula wareegay xilka lagu abaabiyay.<\/p>\n<p>Xusuusta Dadka reer Qatar iyo dunida inteeda kale waxaa ku jirta in Hoggaamiyaha maanta geeriyooday uu Aabihiis Khaliifa afgambi aan dhiig ku daadan xilka uga qaatay 27kii June sannadkii 1995 waxaana si rasmi ah xilkaas loogu caleemosaaray 20kii June 2,000<\/p>\n<p>Madax kala duwan oo Caalamka ah ayaa ka tacsiyeeyay geerida iyada oo lagu wado in la diyaariyo habmaamuska aaskiisa oo ay ka qaybgali doonnaan mas\u2019uuliyiin kala duwan oo haatan agaasinkooda lagu howlan yahay.<\/p>\n<div class=\"addtoany_share_save_container addtoany_content addtoany_content_bottom\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad 12 July 2026 {CBB}Waxaa geeriyooday Amiirkii hore ee dalka Qatar ahna Aabbaha Amiirka dalkaas Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani isaga oo jiray 74 sano, ehelkiisa ayaa xaqiijiyay geeridiisa waxaana Dalkaas carbeed uu galay xaalad Tacsi ah. Sheekh Hamad ayaa Qatar xukumayay intii u dhexeysay 1995 ilaa 2013, wuxuu ahaa hoggaamiyihii ugu weynaa ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":12955,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-12954","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12954","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=12954"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12954\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":12956,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12954\/revisions\/12956"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/12955"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=12954"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=12954"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=12954"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}