{"id":12992,"date":"2026-07-14T09:47:47","date_gmt":"2026-07-14T09:47:47","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12992"},"modified":"2026-07-14T09:47:47","modified_gmt":"2026-07-14T09:47:47","slug":"dfs-iyo-laba-garab-oo-mucaaradka-ka-mid-ah-oo-isku-raacay-doorasho-toos-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=12992","title":{"rendered":"DFS iyo Laba Garab oo Mucaaradka ka mid ah oo isku raacay Doorasho Toos ah"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado 14 July 2026 {CBB<\/strong>}Wada-hadallada siyaasadeed ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa muujinaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo laba ka mid ah garabyada mucaaradka ay isku aragti ka noqdeen in dalka laga hirgeliyo doorasho toos ah oo lagu tartamayo nidaamka axsaabta siyaasadeed. GeographicReference<\/p>\n<p>Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, dhinacyadan ayaa sidoo kale isku raacay in Guddiga Doorashada Heer Federaal uu noqdo hay\u2019adda maamuleysa doorashada, iyadoo la raacayo nidaam sharciyeed oo lagu qabanayo doorasho qof iyo cod ah.<\/p>\n<p>Hase yeeshee, Golaha Mustaqbalka ayaa qaba aragti ka duwan tan ay isla qaateen Dowladda Federaalka iyo labada garab ee mucaaradka.<\/p>\n<p>Golaha ayaa soo jeediyay in la qabto doorasho ay ugu yeereen \u201cdoorasho qofaysan\u201d, isla markaana la dhiso guddi doorasho oo laba heer ah, kaas oo ay si wadajir ah uga qeyb qaadanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada.<\/p>\n<p>Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sidoo kale tilmaamay in qodobada kale ee weli laga doodayo, sida tirada goobaha laga qabanayo doorashada, qaabka loo ilaalinayo nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5 iyo arrimo kale oo farsamo, ay yihiin kuwo aan caqabad weyn ku ahayn heshiiska, isla markaana la filayo in si fudud looga gaari karo is-afgarad.<\/p>\n<p>Wada-hadalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in la helo hannaan doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadda dalka, xilli Soomaaliya ay isku diyaarineyso go\u2019aanno muhiim u ah mustaqbalka geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo dhismaha nidaamka doorashooyinka.<\/p>\n<p>Inkastoo ay weli jiraan kala aragti duwanaansho ku saabsan qaabka loo dhisayo guddiga doorashada iyo habraacyada maamulka doorashada, haddana xogaha la helayo waxay muujinayaan in inta badan dhinacyada siyaasadeed ay isku raacsan yihiin muhiimadda ay leedahay in dalka loo gudbo doorasho toos ah oo ku dhisan nidaamka axsaabta siyaasadeed.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado 14 July 2026 {CBB}Wada-hadallada siyaasadeed ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa muujinaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo laba ka mid ah garabyada mucaaradka ay isku aragti ka noqdeen in dalka laga hirgeliyo doorasho toos ah oo lagu tartamayo nidaamka axsaabta siyaasadeed. GeographicReference Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, dhinacyadan ayaa sidoo kale isku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":12993,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-12992","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12992","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=12992"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12992\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":12994,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12992\/revisions\/12994"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/12993"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=12992"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=12992"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=12992"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}