{"id":13094,"date":"2026-07-18T08:34:52","date_gmt":"2026-07-18T08:34:52","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13094"},"modified":"2026-07-19T08:36:31","modified_gmt":"2026-07-19T08:36:31","slug":"ciidanka-xoogga-dalka-oo-gaaray-duleedka-degmada-jilib","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13094","title":{"rendered":"Ciidanka Xoogga DALKA oo gaaray Duleedka Degmada Jilib."},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabtii 18 July 2026 {CBB}<\/strong>Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gaareen deegaanka Dambase oo ku yaalla duleedka degmada Jilib, taas oo muddo dheer ahayd saldhig muhiim u ah Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Taliye Ku-xigeenka Guutada 162-aad ee Kumaandooska Danab, Gaashaanle Cabdi Risaaq Maxamed Kusane, ayaa sheegay in markii ugu horreysay muddo 15 sano ah ay ciidamada dowladda gaareen duleedka magaalada Jilib.<\/p>\n<p>Sarkaalka ayaa sheegay in ciidamada ay jab xooggan gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana ay ka sifeeyeen deegaanka Dambase iyo nawaaxigiisa, iyadoo howlgalka uu weli socdo.<\/p>\n<p>Ciidamada Danab oo tababar iyo taageero ka hela Mareykanka, kanaashanaya ciidamada ammaanka Jubbaland, ayaa sii wada baacsiga Al-Shabaab iyo burburinta fariisimahooda ku yaalla gobolka.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday wejiga cusub ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo sheegtay in howlgalka uu ka socon doono xeebaha ilaa hareeraha wabiyada, si loo adkeeyo amniga Muqdisho iyo gobollada ku dhow.<\/p>\n<p>Dowladda ayaa sheegtay in ujeeddadu tahay in Al-Shabaab laga saaro deegaannada ay weli ku sugan yihiin.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabtii 18 July 2026 {CBB}Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gaareen deegaanka Dambase oo ku yaalla duleedka degmada Jilib, taas oo muddo dheer ahayd saldhig muhiim u ah Al-Shabaab. Taliye Ku-xigeenka Guutada 162-aad ee Kumaandooska Danab, Gaashaanle Cabdi Risaaq Maxamed Kusane, ayaa sheegay in markii ugu horreysay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":13095,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-13094","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13094","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13094"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13094\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13097,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13094\/revisions\/13097"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13095"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13094"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13094"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13094"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}