{"id":13133,"date":"2026-07-20T08:20:36","date_gmt":"2026-07-20T08:20:36","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13133"},"modified":"2026-07-21T08:21:35","modified_gmt":"2026-07-21T08:21:35","slug":"soomaaliya-oo-ka-tacsiyeysay-carruur-ku-geeriyooday-dab-ka-kacay-aljeeriya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13133","title":{"rendered":"Soomaaliya oo ka tacsiyeysay Carruur ku geeriyooday Dab ka kacay Aljeeriya"},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin 20 July 2026 {CBB}<\/strong>Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saartay masiibadii dabka ee dhowaan ka dhacday dalka Aljeeriya, kaasi oo ay ku geeriyoodeen carruur agoon ah iyo dad kale oo rayid ah.<\/p>\n<p>\u201cDowladda Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay hoggaanka, dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Dadka ee Aljeeriya, ka dib markii dab xooggan uu ka kacay xarun lagu xannaaneeyo carruurta agoonta ah oo ku taal degmada Mohammedia ee caasimadda Algiers\u201d ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri \u201cDowladda Soomaaliya waxay xilligan adag garab istaag iyo midnimo u muujinaysaa walaalaheenna Aljeeriya. Waxaan murugada la qaybsanaynaa qoysaskii ay carruurtu ka geeriyoodeen, annagoo Alle uga baryeyna inta dhaawaca ah inuu u boogo dhayo.\u201d<\/p>\n<p>Sida ay xaqiijiyeen laamaha amniga ee dalka Aljeeriya, dabka ayaa galaafatay nolosha 11 qof oo ay ku jiraan carruurta Agoonta, iyadoo ay sababtay Koronto.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin 20 July 2026 {CBB}Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saartay masiibadii dabka ee dhowaan ka dhacday dalka Aljeeriya, kaasi oo ay ku geeriyoodeen carruur agoon ah iyo dad kale oo rayid ah. \u201cDowladda Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay hoggaanka, dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":13134,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-13133","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13133","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13133"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13133\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13135,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13133\/revisions\/13135"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13134"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13133"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13133"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13133"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}