{"id":13231,"date":"2026-07-26T12:16:14","date_gmt":"2026-07-26T12:16:14","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13231"},"modified":"2026-07-26T12:16:14","modified_gmt":"2026-07-26T12:16:14","slug":"maxay-tahay-fariinta-maamulka-puntland-ay-u-dirtay-galmudug","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13231","title":{"rendered":"Maxay tahay fariinta maamulka Puntland ay u dirtay Galmudug?"},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad 26 July 2026 {CBB}<\/strong>War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad Ciidan oo loo wado ciidamada hoostaga Federaalka ee jooga deegaannada Maamulkaas sida lagu sheegay warkaas.<\/p>\n<p>Puntland ayaa Galmudug usoo jeedisay in ay is hor istaagto Saanaddaas Ciidan ee laga Garoomada Diyaaradaha iyo dhulka uu maamulo Maamulkaas maadaama Dowlad-Goboleedkaas uu ku dooday in lagu dhibaataynayo sida uu hadalka u dhigya.<\/p>\n<p>\u201cPuntland waxa ay ugu baaqaysaa Galmudug inay ka waantowdo in saanad ciidan soo maraan garoomada iyo dhulka ay maamusho Galmudug kuwaas oo looga dan leeyahay in lagu dhibaateeyo shacabka reer Puntlan\u201d Sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay Puntland<\/p>\n<p>Dhanka kale, Maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan jirin ciidan ka diiwaangashan Dowladda Federaalka oo ka howlgalla Deegaannada Maamulkaas, meel fog ayay Xukuumadda Siciid Deni ka istaagtay ciidanka u diiwaangashan Dowladda.<\/p>\n<p>Ciidanka gaarka u tababaran ee PSF (Puntland Security Force) ayaa dhawaan dagaal la galay ciidamo isugu jira Daraawiishta Maamulka Puntland iyo kuwa PMPF iyada oo weli xiisaddaas ay ka taagan tahay Deegaannada Maamulkaas.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya oo horay u sheegtay in ciidan Federaal ah ay ka joogaan Deegaannada Maamul Goboleedka Puntland weli kama jawaabin sheegashada Xukuumadda Siciid Cabdullaahi Deni ee la xiriirta in aanay jirin ciidan ka baxsan kuwa maamulka oo halkaas jooga.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad 26 July 2026 {CBB}War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad Ciidan oo loo wado ciidamada hoostaga Federaalka ee jooga deegaannada Maamulkaas sida lagu sheegay warkaas. Puntland ayaa Galmudug usoo jeedisay in ay is hor istaagto Saanaddaas Ciidan ee laga Garoomada Diyaaradaha iyo dhulka uu maamulo Maamulkaas [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":13232,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-13231","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13231","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13231"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13231\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13233,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13231\/revisions\/13233"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13232"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13231"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13231"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13231"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}