{"id":13237,"date":"2026-07-26T12:19:41","date_gmt":"2026-07-26T12:19:41","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13237"},"modified":"2026-07-26T12:19:41","modified_gmt":"2026-07-26T12:19:41","slug":"xildhibaanada-df-oo-dood-ka-galay-xiisadda-siyaasadeed-ee-mudug","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13237","title":{"rendered":"Xildhibaanada DF oo dood ka galay xiisadda-siyaasadeed ee Mudug."},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad 26 July 2026 {CBB}<\/strong>Dood adag ayaa ka dhalatay kooxda WhatsApp-ka ee ay ku wada xiriiraan xildhibaannada Golaha Shacabka, kaddib markii halkaas lagu wadaagay war-saxaafadeedkii ay Puntland uga digtay hurinta colaad ka dhacda Gobolka Mudug, iyadoo eedda dusha looga tuuray Dowladda Federaalka Soomaaliya. EastAfrica news<\/p>\n<p>Sida xogta la helay, falcelintii ugu horreysay waxaa sameeyay Xildhibaan Cismaan Cali Yuusuf, oo ka soo jeeda Mudug, kaasoo dhaliilay mowqifka Puntland.<\/p>\n<p>Arrintaas waxaa si degdeg ah uga jawaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa, oo ka soo jeeda Galmudug, isagoo sheegay in bulshada deegaankiisu aysan oggolaan doonin in dhulkooda loo adeegsado hurinta colaado lagu waxyeelleynayo deriskooda. Hadalkaas ayaa waxaa bogaadiyay Xildhibaan Kooshin, oo ka soo jeeda Somaliland.<\/p>\n<p>Doodda ayaa sii kululaatay markii Xildhibaan Mursal, oo laga soo doorto Gedo, uu ku eedeeyay Xildhibaan Cismaan inuu muddo dheer sugayay kursiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh, isla markaana uu ka tanaasulo, sida uu hadalka u dhigay, \u201cshahaado-suurka iyo weerarka deegaankiisa.\u201d<\/p>\n<p>Cabdiraxmaan Odowaa ayaa markale doodda dib ugu laabtay, isagoo uga jawaabay hadal kale oo ka yimid Xildhibaan Cismaan, kuna yiri: \u201cQoriga dabka leh oo mudda-dhaafka qofka wata waa la yaqaan ee runta u sheeg saaxiib.\u201d<\/p>\n<p>Xildhibaan Kooshin ayaa isaguna mar kale Odowaa u jawaabay, isagoo yiri: \u201cOdowaa caqliga ha waayin. Adiga u damqanaya, kii ka soo jeedayna waa kaa @Xil. Cismaan Dheere belo ku ciyaadhay.\u201d<\/p>\n<p>Dhankiisa, Xildhibaan Mursal ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Cismaan, isagoo yiri: \u201cGuulwadeyn iyo shahaado-suurnimo ka weyn ma jirto inaad difaacdo ninkii magaaladaada ama gobolkaaga colaadda ka abuuraya, oo dhowr boqol oo kiiloomitir hub iyo ciidan uga daabbulaya.\u201d<\/p>\n<p>Wararka ayaa muujinaya in dooddan ay ka tarjumeyso kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee ka dhex jira qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee la xiriira xaaladda amni iyo xiisadda ka taagan Gobolka Mudug.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad 26 July 2026 {CBB}Dood adag ayaa ka dhalatay kooxda WhatsApp-ka ee ay ku wada xiriiraan xildhibaannada Golaha Shacabka, kaddib markii halkaas lagu wadaagay war-saxaafadeedkii ay Puntland uga digtay hurinta colaad ka dhacda Gobolka Mudug, iyadoo eedda dusha looga tuuray Dowladda Federaalka Soomaaliya. EastAfrica news Sida xogta la helay, falcelintii ugu horreysay waxaa sameeyay Xildhibaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":13238,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-13237","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13237","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13237"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13237\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13240,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13237\/revisions\/13240"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13238"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13237"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13237"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13237"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}