{"id":13303,"date":"2026-07-28T10:21:09","date_gmt":"2026-07-28T10:21:09","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13303"},"modified":"2026-07-28T10:21:09","modified_gmt":"2026-07-28T10:21:09","slug":"weerar-culus-oo-lagu-qaaday-xarumaha-shidaalka-ee-sacuudi-carabiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13303","title":{"rendered":"Weerar Culus oo Lagu Qaaday Xarumaha Shidaalka ee Sacuudi Carabiya."},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado, July 28 2026 {CBB}<\/strong>Xuutiyiinta Yemen ayaa saacado ka hor sheegay inay weerar ay u adeegsadeen diyaarado aan duuliye lahayn ku qaadeen xarumo muhiim u ah soo saarista ishidaalka ee bariga Sacuudi Carabiya.<\/p>\n<p>Sawirro dayax-gacmeed ayaa hadda muujinaya qiiq ka kacaya xarunta shidaalka ee Abqaiq ee Sacuudi Carabiya.<\/p>\n<p>Tani waa markii ugu horreysay ee la soo sheego weerar ay Xuutiyiinta, oo xulafo la ah Iiraan, ku qaadeen xarunta Abqaiq.<\/p>\n<p>Abqaiq waa mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn adduunka ee lagu sifeeyo saliidda cayriin, hab lagu diyaariyo saliidda si loogu kaydiyo haamaha waaweyn loogana dhigo mid ammaan u ah gaadiidka iyo dhoofinta.<\/p>\n<p>Xaruntan waxaa si gaar ah loogu talagalay inay diyaariso saliidda loo gudbiyo tuubbada West\u2013East Pipeline ee Sacuudi Carabiya, taas oo u oggolaanaysa dalka inuu saliiddiisa uu ka dhoofiyo Badda Cas iyo Kanaalka Suweys, isagoo aan u baahnayn inuu mariyo Marinka Hormuz.<\/p>\n<p>Iiraan weli wax hadal ah kama aysan soo saarin dhacdadan.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in weerarrada lagu qaaday xarumaheeda ay fuliyeen maleeshiyaad Ciraaqi ah oo xiriir la leh Iiraan, waxayna caddeysay inay xaq u leedahay inay ka jawaabto weerarradaas.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado, July 28 2026 {CBB}Xuutiyiinta Yemen ayaa saacado ka hor sheegay inay weerar ay u adeegsadeen diyaarado aan duuliye lahayn ku qaadeen xarumo muhiim u ah soo saarista ishidaalka ee bariga Sacuudi Carabiya. Sawirro dayax-gacmeed ayaa hadda muujinaya qiiq ka kacaya xarunta shidaalka ee Abqaiq ee Sacuudi Carabiya. Tani waa markii ugu horreysay ee la [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":13304,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-13303","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13303","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13303"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13303\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13305,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13303\/revisions\/13305"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13304"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13303"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13303"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13303"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}